Xildhibaan Xaamud oo Bulshada u soo Jeediyay in Horumar la Sameeyo

0
383

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada ayaa u soo jeediyay shacabka Somaliland in iskuduubni la sameeyo oo loo midoobo horumar dalka, isla markaana lagu lagu dedaalo sidii loo beegsan lahaa berri maanta ka fiican.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in wasiirka maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo dhawaan xilkaa loo magacaabay in uu kala hadli doono sidii gobolada bari ee dalka uu ugu fududayn lahaa in loo sii daayo mashaariicdii horumarineed ee deegaanadaas loogu talo galay.

Waxaanu yidhi Xildhibaanku isagoo arrintaa ka hadlaya. “Somaliland waxay u baahantahay in horumar la sameeyo, waxa kale oo loo baahan yahay in shacabka reer Somaliland isku duubnaadaan waxaa kale oo loo baahan yahay in ay himiladeeda iyo yoolkeeda gaadho Somaliland.”.

Xildhibaanka oo ka hadlaya talo uu u soo jeediyay wasiirka maaliyadda Somaliland Dr Sacad oo dhawaan xilkaa madaxweyne Muuse u magacaabay oo aan wali xilkaa la wareegin, ayaa yidhi. “Waxaan rejaynayaa in wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaarada maaliyada Dr Sacad Cali Shire oo muddo badan wasiir soo ahaa in uu bixin doono mashaariicdii loogu talo galo galay gobolada bariga, gaar ahaan gobolka Badhan, waanan kala hadli doonaa wasiirkaa madaama oo aan ahay xildhibaan ka soo jeeda deegaanadaas waanan ka hawl gali doonaa in shacabkaa wax la gaadhsiiyo.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply