Xildhibaan Indha Indho oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal ka Soo Yeedhay Xisbiyada Mucaaridka

0
476

Hargaysa(Dawan):-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed   Xasan(Indha Indho) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeedhay xisbiyada mucaaridka ah oo duray  magacaabista wasiirka arrimaha dibedda Prof Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.

Waxaanu u soo jeediyay xisbiyada mucaaridkain ay kala saaraan qarannimada iyo qof jeclaysiga waxaa kale oo uu farriin u diray dadkii odhan jiray beesha dhexe ayaa xilalkii oo dhan wada qaadatay.

Waxaanu yidhi xildhibaanku. “Xisbiyada  mucaaradka  waxaan leeyahay  haddii  Farotoon la keenay  wasaarada  Arimaha dibedda shalayna    doorashadii madaxtooyadda   ka dhacday  deegaankayaga,oo waliba mucaaradku badsadeen codadkii  deegaankaas looma baahna in mucaaradku  xagxagtaan  doorashadaa.waana aan ka xumahay in ay yidhaahdaan deegaanadaas ayaa lagu boobay doorashadii  madaxtooyadda,waana in ay ka waantoobaan  oo qarannimada  ilaaliyaan    mucaaradku.   shakhsinimada iyo qarannimadu aad ayay u kala wayntahay.ku wii lahaa Isaaq ayaa meel walba haysta,   maanta ha arkeen in Farotoon laga dhigay  wasiirka Arimaha dibedda   waxaanan leeyahay qoladii lahayd siyaasaddii arimaha dibeddu way fashilantay  toddobaadkii hore 28 dawladood ayaa inoo yimid  shirkii huteelka Grand  haddi ka dhacay ee lagaga hadlayay siyaasada arimaha dibedda Somaliland   mid la mid ahi kamuu dhicin dalka Somaliland,muhiimaduna waxa weeye in waddankeena la iib geeyo .”

Mar uu ka hadlayay doorashadii madaxtooyada iyo sidii caalamku uga soo qayb galay waxaa uu yidhi. “Doorashadii madaxtooyadda waxa ka soo qayb galay goobjoogayaal   faro badan    waxaanay  tageen     dhulkii aanay  doorashooyinkii hore ka dhici jirin oo ay ka mid ahaayeen Laascaanood iyo Xudun.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply