Gudida Baadhista Xasuuqa oo ka hadlay Tirada Lagu Aasay Xabaal-wadareed ay ka Heleen Sanaag

0
497

Hargeysa (Dawan) gudigii hore ee dabagalka xasuuqii Somalilabd kadhacay iyo agaasimaha waaxda Agaasimaha waaxda baadhista xasuuqa iyo ka hortagista dambiyadda ee wasaaradda caddaaladda mudane Axmedkeyse Ismaaciil Cali,ayaa socdaal ay ku tageen gobolka Sanaag kaga hadlay xabaal wadareedyada gobolka Sanaag ay ku soo arkeen iyo tirdada dadka lagu aasay ee shacabka  reer Somaliland ahaa ee uu xasuuqay taliskii millatariga ahaa ee Siyaad Barre ee dalkan bur buriyay.

agaasimaha waaxda Agaasimaha waaxda baadhista xasuuqa iyo ka hortagista dambiyadda ee wasaaradda caddaaladda mudane Axmedkeyse Ismaaciil Cali iyo Cabdirashiid Maxamed Daahir oo ka tirsanaa gudidii hore ee baadhista xasuuqa ayaa ka hadlay taallo ay u sameeyeen  44 qof oo si jamac ah loogu dilay deegaanka Kal-Sheekh ee gobolka Sanaag.

Waxaa ay sheegeen in taaladdani ay caddeynayso tirada dadkaa taariiikhdoodii iyo sidii loo laayay,waxaanay sidaa ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta baadhista xasuuqa iyo ka hortagga dambiyada ee caasimadda Hargeysa.

Agaasimaha waaxda baadhista xasuuqa iyo ka hortagista dambiyadda ee wasaaradda cadaaladda mudane Axmedkeyse oo ka hadlayay xabaal wadareedka ay ka heleen deegaanka Kal-sheekh ee gobolka Sanaag iyo xilligii ay safarka shaqo ku tageen,ayaa yidhi.”Xabaal wadareedkan deegaanka Kalsheekh ee gobolka Sanaag waxaa aanu u baxnay 1/11/2018 annaga oo ah gudida baadhista xasuuqa Jamhuuriyadda Somaliland, nuxurka socdaalkayaguna waxaa uu ahaa annaga oo ka jawaabayna waajibaadka dastuuriga  ah ee wasaaradda cadaaladda ee X/1/2018 taas oo ah samahaminta goobaha lagu xasuuqay bulshadda reer Somaliland, sugista inay meeshu tahay xabaal wadareed iyo in kale, raadinta goob joogayaashii dhacdadaas ogaa iyo markhaatiyaashi wakhtigaasi u soo joogay arrimahaas iyo la xidhiidhista hadba ciddii farsamo aqooneed u leh baadhitaan sugan”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa sheegay in dadkaa la xasuuqay ay meydadkooda di u aaseen si waafaqsan shareecada Islaamka,waxaanu yidhi. “In la aaso maydadka dadkaa si waafaqsan shareecadda diinta Islaamka in  meeshi suuragal ahna laga sameeyo taallo muujineysa  taariikhda dhacdadaasi, waxaanu goobtaasi ku tagney guddoomiyihii hore ee baadhista xasuuqa Khadar Axmed Like, iyo Rashiid Maxamuud Daahir oo isna xubin ka ahaa gudidii hore ee baadhista xasuuqa iyo aniga oo ah agaasimaha waaxda baadhista xasuuqa  iyo  ka hortagga dambiyadda ee wasaaradda caddaaladda, waxaanu u baxney, soo aasidda lafaha dayacan ee loogu tago marinta qaabka shareecadda Islaamku u aasto lafaha xasuuqan, dhismaha xaabaal wadareedkan lagu duugay deegaanka Ka-lsheekh, soo dhisitaanka taallo ka hadlaysa tirada iyo taariikhda dadka la xasuuqay, waxaana noo caddaatay in 44-qof oo rayid ah in lagu xasuuqay isla goobtaasi, kuwaasi oo ahaa dad aan dambi laheyn, oo aan wakhtigaa ka galin wax dambiya taliskii wakhtigaa ee Siyaad Barre, iyadda oo aan sharciga la horgeyn in si kas ah leysaga laayay ayaa noo soo caddaatay, waxaanu bariga waddada Ceel-Afweyn ee deegaanka Kal-shiikh ka dhisnay taallo dhererkeeduna yahay laba mitir balaceeduna yahay hal mitir oo uu ku qoran yahay qoraal cadeynaya dadkaasi asbaabtii ay u dhinteen iyo taliskii dilay oo ahaa Siyaad Barre,waxaana dadkan si jamac ah loo laayay 18/10/1988-kii waxaanay dadkaa  tiradoodu dhammeyd 44 qof  oo ay ku jireen carruur”

“Halkii dadkan xasuuqoodu ka dhacay ayuunbaanu ku daboolley oo aanu taalo yar uga sameynay,Meer-meero kale ceel ayuu ahaa oo dad la laayay ayaa lagu guray, xarunta gobolka Sanaag meel yar oo dawaarad ah oo wareegsan afar qof ayaa ku jira, dhawr iyo lixdan kalena waxay ku jiraan xabaalaha dadka caadiga ah ee is u dhintay iyaga oo xayndaab yar loo xidhay, degmadda Ceel Afweyn  oo kale meesha Karin Biyood la yidhaaho  dad gaadhaya dhawr iyo labaatan oo saddex xabaal wadareed loo sameeyay ayaa ku jira, God Heeli, Faraguul, iyo God-weyn, Dharaaro,Saraar iyo bananka kaleba xabaalo xasuuq oo aad u badan ayaa ku jira” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Daahir oo xubin ka ahaa gudidii hore ee baadhista xasuuqa Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply