Xukuumadda Somaliland oo ku Baaqday Muddaharaad ka Dhan ah Soomaaliya

0
499

Hargeysa-(Dawan)- Wakiilka gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD Danjire  Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay kasoo horjeestaan qorshaha la doonaayo in cuna-qabataynta hubka lagaga qaado dalka  qalalaasuhu ragaadiyey ee Soomaaliya .

Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ka hadlayey madal ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon iyo wasiirkii hore Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in qaramada midoobay la horgeeyey qorshe cuna-qabataynta hubka lagag qaadayo  Soomaaliya , taasina ay dhibaato ku tahay bariga afrika . “waxa qaramadda midoobay la geeyey in cuna-qabataynta hubka laga qaado Soomaaliya , In Soomaaliya iyo Somaliland maanta hub lagu soo kordhiyo maaha waayo hubka yaalla ayaa qaarada Afrika gebi ahaanba qayb dhan dumin kara” ayuu yidhi

Wakiilka gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay sameeyan bannaanbax ka dhan qorshaha la doonayo in cunaqabataynta hubka lagaga qaado Soomaaliya , waxanu yidhi  “Somaliland waa inay dedaal weyn ka samaysaa , shacabku waa inuu ka mudaharaado in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya , dowladdaha qaar aynu ognahay ayaa dabada ka wada arrinkaa , waa dowladdo aan u tudhayn magaca soomaalida , waa arrin kusoo korodhay gobolka , waxaanay noqonaysaa dhib hor leh oo kusoo fool leh gobolka , farahana way ka baxaysaa”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply