Wasiir Faratoon oo soo Bandhigay Qorshaha uu ku Wajahayo Siyaasadda Arrimaha Debadda

0
501

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka cusub ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa ka hadlay walaac dadka badankoodu ka muujiyeen xilka loo magacaabay oo ay u arkaan in aannu aqoon iyo waayo-aragnimo u lahayn.

Wasiir Faro-toon oo xilkaa Wasaaradda Khaarajiga la wareegay shalay, ayaa khudbad uu ka jeediyey xafladdii xilka uu kula wareegay kaga jawaab celiyey dareenka shacabku ka qabo xil-gudashadiisa, waxaanu sheegay in aan loo magacaabin meel madhan, balse Wasaaraddu tahay mid la soo dhisayey muddo 27 sano ah oo ay joogaan dad khibrad leh, isla markaana leh dariiq loo jeexay oo la raaco.

Md. Faro-toon oo arrintaa ka hadlayey waxa uu yidhi, “Afartii ama saddexdii maalmood ee aan magacownaa dadka aanu kulano iyo kuwa telefoonnada ii so dirayaa waxa igu fara badatay maxaad ka haysataa (aqoon ama fikir) siyaasadda arrimaha dibedda, maxaad ka qaban doontaa ee aad filaysaa? Horta waxa weeye waxaan u haystaa in aanan meel cidla ah ama madhan aanan u iman, waxaan  imi wasaarad dhismaysay muddo 27 sanno ah, wasaarad ay u kala dambeeyeen khubarro badan, diblumaasiyiin badan, waxgarad badan, wasiirro iga khibrad badan oo soo dhisay ayaan u arkaa  in aan imid oo ay joogaan shaqaale iga khibrad badan oo gudo iyo dibedba jooga. Waxaan qabaa waxay qabteen qoladaa iga horraysay iyo xogta ay hayaan oo aad u fara badani in ay taallo oo ay tahay mid wax lagu salayn karo, annaguna aannu halkii uun ka wadi doono, wixii innagu soo kordha ee cusubi waa meesheeda, laakiin waxaan qabaa in dariiqii la mari lahaa uu jeexan yahay oo uu yahay mid muddadaas la jeexayey, imikana la gaadhsiiyey meeshii ugu sarraysay.”

Waxa kaloo uu sheegay in dadka badankiisu fikir kooban oo khaldan ay ka aaminsan yihiin shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, taasina ay tahay sababta mar walba keenta walaaca ah in aanay waxba qaban.

“Dadkeenna badankoodu kelmadda keliya ee ay kaala hadlayaan waa ictiraaf, waxaad mooddaa arrimaha dibedda fikirka aynu ka qabno iyo waxa keliya ee dadku u arkaa inay shaqadeeda tahay waxa weeye inay ictiraaf keento, markaa macnaheedu waxa weeye haddii ay ictiraaf keentana shaqadeedii way qabatay, haddii kalase waxba may qaban ayey noqonaysaa. Anigu waxaan qabaa fikraddaa mid ka duwan, waxaan qabaa Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay u taagan tahay dhammaan danaha iyo xidhiidhada Somaliland caalamka la leedahay in laga midho-dhaliyo, laga shaqaysiiyo oo ay u adeegto danaheeda iyo siyaasaddeeda, ictiraafku waa halka u sarraysa, laakiin dano fara badan oo kale ayaa jira oo ay tahay in laga gaadho ama laga midho-dhaliyo si Somaliland u horumarto oo ay aakhirkana ictiraafka u hesho,” ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply