Rugta Ganacsiga Somaliland oo Shaacisay Xilliga Ay Qabsoomayso Carwada 8-aad

0
521

Hargeysa (Dawan)- Rugta Ganacsiga, wershadaha iyo Beeraha ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday xilliga ay qabsoomayso carwada caalamiga ah ee 8-aad

Warsaxaafadeed ka soo baxay rugta ganacsiga Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Md. Ibraahim Ismaaciil Cilmi

Ayaa, ayaa lagu war geliyay guud ahaan bulshada reer Somaliland in ay qabsoomayso bisha soo socota ee 12 –aad carwada 8-aad ee caalamiga ah ee Somaliland kana qabsoomayso Hotel Guuleed soconna doonta illaa 15-ka isla bisha Desember.

War-saxaafadeedka ka soo baxay rugta Ganacsiga Somaliland ayaa u dhignaa sidan.

War-murtiyeed

Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland, waxa ay Bulshada iyo Ganacsatada reer Somaliland ugu bushaaraynaysaa inay qabanayso Carwadii Caalamiga ahayd ee 8’aad,

Carwadan oo lagu dhiirigalinaayo Wax-soosaarka dalka ayaa waxa lagu soo bandhigidoonaa, Adeegyada Guud ee Ganacsiga dalka, Waxsoosaarka Beeraha, Xoolaha Nool, Wershadaha iyo Kaluumaysiga,

Carwadan ayaa waxa ay Rugta Ganacsigu Abaal-marino ku gudoonsiin-doontaaaa Ganacsatada ku guulaysata Xulashada Abaal-marinta Ganacsiga.

Hadaba Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay Bulshada ugu bushaaraynaysaa inay kasoo qayb-galaan Bandhigyada Carwada 8’aad ee Caalamiga ah oo Lagu Qabandoono Guuleed Hotel Hargeysa, 9 ilaa 15 Dec 2018

Dhinaca kale Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay ku wargalinaysaa Ganacsatada ka qayb-qaadanaysa Bandhiga Carwadan Caalamiga ah ee 8’aad in Is Diiwaangalinta Boosaaska Carwadu xidhmidoonto 30 November 2018,

Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland

Ibraahim Ismaaciil Cilmi

Leave a Reply