Duqa Boorama oo Bulshadda ugu Baaqay Bixinta Cashuuraha

0
489

Boorama (Dawan) Duqa magaalada Boorama mudane Saleebaan Xasan Xaddi ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaagan horumarka degmadda Boorama ay tahay dadka oo ku hooseeya ashuur bixinta.

Maayarka degmada Boorame, waxa uu bulshada deegaanka ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta, si loogu fuliyo adeegyada asaasiga ah, ee caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo jidadka magaalada.

Duqa degmadda Boorama mudane Saleebaan Xasan Xadi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dadkeenu inta ugu badani ma bixiyaan cashuurta inta iyaddu is xilqaanta ee sidii loogu talagaley u bixisaa waa boqolkiiba toban, inta aanu xooga kaga qaadnaana waa boqlkiiba afartan, kontonka soo hadhayna maba bixiyaan, oo waa ay ku lunsantahay, qof ayaad danbi ku qabaneysaa ninbaa inta uu kuu yimaado ku odhanaya aniga maanta igu dhaaf, qof walba marka qof lagu dhaafo sharcigii yaa lagu fulinayaa markaa, caqabadaha ugu badan ayay ka mid tahay.

Markaa bulshada reer Boorama waxaan leeyahay anaga oo idin jecel walaalayaal cashuurta iska soo bixiya, maalin walba albaab ayaa la soo saarey anagana ceeb ayay nagu tahay, idinka dhib ayay idinku tahay”

Sidoo kale, maayarku waxa uu baaq u diray nootaayooyinka degmadda Boorame, kuwaasi oo uu u soo jeediyay in ay faraha kala baxaan dhulka ay sida sharcidaradda ah u sharciyeynayaan waxaanu yidhi “Waxa kale oo iyadduna caqabad ah, waxa aad arkeysaa nootaayo wax u kala qoreysaa beer aan sharci heysan oo aan qorshaha magaaladu gaadhin, nootaayadda aanu ku aragno iyadda oo beer aan sharci heysan sharcigareysay ama cabirtay ileyn joomitir maahee shaqadaasi waa tii dawladda hoose waa in leys ixtiraamo oo nootaayooyinkuna shaqadooda gartaan, talaabo sharci ahna waanu ka qaadeynaa wasiirkana waanu ka wada hadli doona Insha Allah”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply