Sheekh Maxamed Aadan oo Bogaadiyey Go’aankii Xukuumadu Ka Soo Saartey Hudheelada

0
440

Hargeysa (Dawan) Iimaamka Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa, Sheekh Maxamed Aadan ayaa soo dhaweeyay go’aankii xukuumaddu ku xaddiday wakhtiga Cawayska ee Hotelada Dalka , waxaanu dadka kasoo horjeeda ugu baaqay inay sidiidsa u fuliyaan go’aankaas .

Sheekh Maxamed Aadan ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay kusoo qaatay muhiimada ay leedahay in la xaddido wakhtiga cawayska ee hotel iyo munaasibadaha xafladah ah ee lagu qabto, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in xilliyada xafladaha la kala saaro ragga iyo dumarka islamarkaana la mamnuuco adeegsiga muusiga. “Waan taageeraynaa go’aanka Xukuumadda weliba in hore looga sii socdo oo lasii wanaajiyo ayaan runtii ku talin lahayn” ayuu yidhi

Iimaamka Masaajidka Cali Mataan, Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaa in xaflado aroos la qabto balse ay muhiim tahay in diinta lagu dhaqmo oo la kala saaro wiilasha iyo hablaha , isla markaana la joojiya adeegsiga Muusiga isaga oo arrintaa ka hadlaya , waxaa uu yidhi“Xaflada hala qabto qiimo badan ayey leedahay in hablaha iyo ragga la kala saaro , isdhexgalka iyo muusiga xaaraanta ah la joojiyo , hablaha inoo ilaaliya , wax IILAHAY raalli gelinaya oo ka farxinaya halla sameeyo “

Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay sharaf dhac ka soo gaadhaysa haweenka marka ay kusoo lebistaan dhar aad u qurxoon oo soo jiidanaya indhaha ragga, taasina ay sababi karto in wiil caqliga ka xaddo oo meesha ay sagaal bilood ka dib ay ka dhalato in ay inantii Ilmo xaaraan ah oo habeenka caloosha u galay ay dhasho, waxaanu sheegay in muhiimadu ay tahay in hablaha la ilaaliyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply