Guddoomiyaha Shirkadda Telesom oo Ku Guuleystay Abaalmarin Caalami ah

0
653

Hargaysa, (Dawan) – Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa noqday hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee isgaadhsiinta Afrika, iyada oo dalka South Africa lagu guddoonsiiyay billada ugu sareysa dhinaca Technology-ga ee qaaradda Africa sannadkan 2018ka.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee gudoomiyaha shirkada Telesom u tartamo abaalmarintan Africacom.

Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas’uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iyo waddankii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo adeegga sarrifka lacagta moobilka, taas oo isbeddel ballaadhan ku sameysay nolosha bulshada Somaliland.

Dhinaca kale, wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda Somaliland, ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirtay shirkada telesom oo guddoomiyaheeda Cabdikareem Maxamed Iid uu ku guulaystey, abaalmarinta hogaaminta ugu wanaagsan shirkadaha isgaadhsiinta Afrika ee sannadka 2018 (africaCOM Awards 2018).

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda isgaadhsiintas iyo teknoolajiyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Eng Cali Cabdilaahi Cumar, waxaanu u qornaa sidan:- Wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda Somaliland, waxay hambalyo u diraysaa shirkada telesom oo guddoomiyaheeda Cabdikareem Maxamed Iid uu ku guulaystey, abaalmarinta hogaaminta ugu wanaagsan shirkadaha Afrika ee sanadka 2018 (africaCOM Awards 2018).

Waxay wasaaradu markasta dhiirigelinaysaa, soona dhaweynaysaa shirkadaha ka shaqeeya horumarinta isgaadhsiinta iyo teknaloojiyada Somaliland. Guushaa shirkadda Telesom gaadhayna waxay markhaati u tahay horumarka isgaadhsiinta Somaliland ay gaadhay iyo halka aynu kaga jirno gobolka iyo caalam-kaba.

Abaalmarintaasuna waxay guul u tahay dhamaan shirkadaha isgaadhsiinta iyo bahda teknoolajiyada Somaliland.

Wasiirka wasaarada Dr Cabdiweli oo safar shaqo debedda ugu maqan ayaa hambalyo soo gaadhsiinaya isaguna shirkada Telesom.”

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

 

Leave a Reply