Wasaarada Horumarinta Biyaha oo Ceel ka Hirgelisay Gobolka Sool

0
469

Hargeysa-(Dawan)- Wasaaradda horumarinta biyaha oo kaashaynaysa Hay’adda Care ayaa magaalooyinka Oog iyo Wadaamo-goo ka hirgelisay laba ceel biyood oo cusub, kuwaasi oo wax ka tari doona baahiyaha ay dadka deegaanku biyaha u qabeen.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha, Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in ceelashaa in loogu talo galay inay dadku ka cabbaan xoolahana laga waraabiyo “Ceel-biyoodyo cusub ayaanu ka hirgalinay degaamada gobolka Sool labadan ceel oo ay iska kaashadeen hirgelintooda wasaarada horumarinta biyaha iyo Hay’adda Care. ceelashan ayaa ah ceelal ay bulshadu baahi wayn u qabtay, waxaanu ka hirgalinay duleedka waqooyi ee magaalda Oog iyo Bariga magaalda Wadaamo-goo. Ceelashan waxaanu ugu talo galnay in dadkuna ka cabbaan xoolahana laga waraabiyo oo dhinicii xoolaha iyo dhinicii dadkaba aanu u samaynay, annagoo ujeedadayada ugu weyni iyo tii xisbiga iyo xukuumadaba aanu ballan qaadnay in awoodda la saaro Biyaha”

Wasiir Saleebaan oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay.“Gobolka sool iyo degaamada hoos yimaada saan hore idiinku sheegay ka wasaarad ahaan waxa nooga qarshaysan in biyo ballaadhin badan lagu sameeyo, waan ogahay baahida gobolka Sool waanan dareensanahy baahida ay qabaan ka xukuumad ahaan waxaanu ka hirgalinay sannadkan oo kaliya annagoo kaashanyna hay’addaha caalmiga ah dhaamam,Ceelal,Baraago iyo Biyo xidheeno ,Waanu ku rejo weynahay sannadadan in degaamda Sool oo dhan aanay biyo la’aan dambe ka caban.

Ugu danbayntii Waxa uu wasiirku u mahadceliyey Ha’yadda care iyo shaqaalaheeda oo wasarada horumarinta biyaha xidhiidh weyn iyo wada shaqayna la leh.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply