Madaxweyne Muuse oo Shuruud Ku Xidhay Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

0
692

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga falceliyey gardarrada maamulka Muqdisho ku wado Somaliland, waxanu hoosta ka xarriiqay inaanay bulshada reer Somaliland marnaba qaadan doonin wax ay u yeedhiyaan shakhsiyaad si gaar ah isugu bahaystay.

Waxaanu Madaxweynaha qaranku si qoto dheer uga hadlay dhibaatooyinkii umadda reer Somaliland ay ka dhaxashay midnimadii hawga ahayd ee ay la gashay Soomaaliya iyo hagar daamooyinkii naf iyo maalba la baday dadka shicibka ah ee reer Somaliland ee aan waxba galabsan,waxaanu yidhi. “Ma nihin dad loo taliyo oo uu nin kale waxooda metelayo, malaha waanad ogayn wixii dalka ka dhacay, kumaa-kunkii diyaaradaha lagu laayey, kuwii aqalladu ku dumeen, kuwii buuraha lagu laayey iyaga oo aan waxba galabsan iyo ummulihii la dooxay iyo dhallinyaradii boqol boqolka la isugu xidhayey ee qaar iyaga oo nool la gubay, dadka Somaliland-na waxa aan leeyahay dhexda waxaynu u xidhanaynaa inaan la innagu cabsiin cid baa midoobaysa iyo niman faq-faqa, iyada oo aan innaga la ina arkaynin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse waxa uu sheegay inaan Somaliland wax wada hadal ah la galayn dalka qalalaasuhu ragaadiyay ee Soomaaliya illaa ay ogolanayaan Madaxbannaanida Somaliland , waxaanu yidhi “Innamada Xamar ee shalay jamciyadda quruumaha ka soo hadal qaadayay Somaliland ee lahaa waa in nala la qabtaa waxaan ballan idiinku qaadnay idinkoo yimaadda ama xornimadayada ogolaada mooyaane in aynaan wadahadal, wadahal baad sheegaysaane aanay wax inoo hagaagin”.

Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya isku dayayso in ay carqaladayso siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply