Buugga Quraanka iyo Sayniska oo Xalay Hargeysa Lagu Daah Furay

0
628

Hargeysa (Dawa):- Buugga Qur’aanka iyo Sayniska, ayaa xalay lagu daah furay caasimadda Hargeysa.Munaasibadda lagu daahfurayay buugga Quraanka iyo Sayniska oo uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ka mid ah qoraayada iyo hal-abuurka Somaliland ayaa xalay lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalaada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb-galay siyaasiyiin daah furka buugga wasiirro, abwaanno, qoreyaal, saxafiyiin dhallinyaro iyo guud ahaan qaybaha bulshada ee kala geddisan.

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Somaliland Mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad).

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Somaliland Mudane Axmed Axmed Maxamuud (Cawad) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan dhiirri-gelinayaan qoraalka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay Siciid Maxamuud Gahayr. Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in dhallinyarada ku jirta xukuumadda Somaliland ay yihiin kuwo dhisan aqoon ahaan, waayo-aragnimo ahaan iyo karti ahaan, iyaga oo leh aqoon heer jaamacadeed iyo khibrad ay qaranka ugu adeegaan.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Qoraa Xasan Cabdi Madar, Abwaan Mawliid Aadan Biixi iyo Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye) oo dhammaantood madasha ka hadlay ayaa qoraaga bogaadiyay in uu wax ka qoray mawduuc faallaynaya aqoonta uu xambaarsan yahay Quraanka Kariimka ahi. Waxa ay tilmaameen in qoraagu yahay ninkii kowaad ee qalinka u qaata cilmi-baadhis noocan ah oo ku qoran afka Soomaaliga, taasina ay tahay wax lagu farxo, laguna faano.

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Rakuub oo ku hadlay afka shirkadda ASALJET oo daabacday buugga ayaa sheegay in uu buuggani ka duwan yahay illaa afartameeyo buug oo ay ASALJET daabacday, isla markaana uu saamayn togan ku leeyahay nolosha iyo aqoonta dadka muslimka ah, waxaanu qalin-maalka kale kula dardaarmay inay wax ka qoraan waxyaabaha dhisaya diinta iyo caqiiqada ummadda.

Ugu dambayn qoraa Siciid Maxamuud Gahayr(Hargeysaawi) oo munaasibadda hadal ka jeediyay,ayaa ugu horrayn u mahad-naqday shirkadda ASAL oo buugga daabacday, Ururka Halqor oo munaasibadda qabanqaabiyay iyo Maamulaha Guud ee dugsiyada Nuuraddiin Xaaji Ibraahin Maxamed oo door ka qaatay in munaasibaddu qabsoonto. Sidoo kale waxa uu u mahadnaqay bulshada ka qayb gashay daahfurka.

Qoraagu waxa kale oo uu ka warramay cutubyada uu buuggaasi xambaarsan yahay oo kor u qaadaya aqoonta ay dadku u leeyihiin Quraanka, waxaanu xusay in sayniska casriga ahi dhawaan ogaaday xog uu Quraanku ka warramay 1400 sanno ka hor.

Intii ay munaasibaddu socotay ayaa ay bulshadu muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin buugga ay daahfurkiisa joogaan. Guud ahaan waxa munaasibaddaasi lagu soo xidhay jawi farxadeed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply