Berbera: Madaxweynaha oo Xadhigga ka Jaray Mashaariic Waaweyn Qaarna Dhagax-dhigay

0
464

Berbera (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa gacantiisa roogga akhtarka ah ku dhigay garoonka kubadda cagta ee Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera, isaga oo sidoo kalena dhagax dhigay xarun cusub oo uu yeelan doono badhasaabka gobolka Saaxil.

Munaasibadda uu madaxweynuhu Roogga macmalka ah ku dhigayey garoonka kubadda cagta ee Cabdalle Stadium, ayaa waxa goob joog ka ahaa maamulka iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil, wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed iyo dhallinyaro kale oo gobolka kasoo jeedda, waxana uu garoonkani ku biirayaa garoomada waaweyn ee qaranku leeyahay ee ku yaalla caasimadaha gobollada dalka oo intooda badan lagu goglay roogga casriga ah.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Mudane, Eng. Axmed Cismaan Xasan iyo maayarka magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Ciddin, ayaa madaxweynaha siiyey warbixin kooban oo la xidhiidha xaaladda garoonka Kubadda cagta ee Cabdalle Stadium, waxana ay sheegeen inay maamul ahaan xil weyn iska saareen sidii uu garoonkaasi qabyada uga bixi lahaa, isla markaana ay da’yarta reer Berbera u heli lahaayeen madal qabyo-tiran oo ay ku ciyaaraan.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, ayaa isaguna dhinaciisa hoosta ka xarriiqay inay wasaarad ahaan ku dedaaleen sidii uu garoonkaasi u dhammaystirmi lahaa, isla markaana ay haatan ku hawllan yihiin inay dhammaanba garoomada waaweyn ee dalka u wada dhigi lahaayeen roogga macmalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si guug ugu hambalyeeyey maamulka gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha inay dhammaystireen dhammaanba baaihii uu garoonkani lahaa, waxana uu bulshada reer Berbera kula dardaarmay inay ilaashadaan garoonka, kana dhigtaan madal ay kaga gabbadaan balwadaha liita ee mustaqbalka da’yarta saamaynta ku yeesha.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhaga-dhigay xarunta cusub oo uu yeelan doono badhasaabka gobolka Saaxil oo laga dhisi doono gudaha magaalada Berbera.

Ugu danbayna maddaxweynuhu wuxuu kormeeray xarunta cusub ee wax Akhrista ee magaalada Berbera, waxana uu indho-indhayn kooban ku sameeyey qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka samaysan tahay iyo buugaagta kala duwan ee halkaas taalla oo loogu talo galay inay aqoonyahanka iyo da’yarta reer Berbera akhtistaan.

Madaxweynuhu waxa uu warbixin ku saabsan xarunta iyo sida ay wax uga tartay baahidii wax Akhris ee magaalada ka dhegaystay Maayarka magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Ciddin oo isagu kaalin weyn ka geystay hirgelinta dhismahaas, waxana uu indhiisa ku arkay buugaagta cilmiga ah ee madashaas taalla iyo waaxaha loo asteeyey inay wax ku arkhristaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Berbera.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kala qayb-galay tukashada salaaddii Jimce ee shalay.

Madaxweynaha,ayaa masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera oo ay buux-dhaafiyeen dadweyne aad u tiro badan kula tukaday salaaddii Jimce ee shalay.shacabka ku sugnaa masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynuhu kala qayb-galo salaadda Jimaca, waxanay fursad u heleen inay madaxweynaha salaamaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply