Golaha Guurtida oo Ansixiyay Xeerka Maareynta Qashinka

0
370

Hargeysa (Dawan)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay cod aqbalabiyad ah ku meel mariyey xeerka maareynta qashinka.

Fadhiga golaha guurtida Somaliland ee shalay oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayey mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka maareynta qashinka iyo dawladdaha hoose.

Xoghayaha guddida arrimaha bulshadda ee golahaasi mudane Dayib Xasan Axmed oo intii aanay mudaneyaashu ansixin xeerkan ka hadlay madasha ayaa faahfaahin ka bixiyey xeerkani. Waxaanu sheegay in wax ka badel iyo kaabis ay ku soo sameeyeen xeerkan.

Guddoomiye Saleebaan ayaa ku dhawaaqay meel marinta xeerkani, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “38-mudane ayaa ogolaaday, sagaal mudanena waa ay diideen, laba xildhibaanna way ka aamuseen, aniguna maan codeyn. Sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerkani, bil iyo badhna waad heysateen si fiicana waad uga soo baaraan degteen.”

Dhinaca kale, xildhibaanada golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay warbixin ka dhageysteen guddidii ay u direen nabadeynta beelihii ku dagaalamay deegaanka Dhumey ee Koonfurta gobolka Sool.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply