Dawladda Ingiriiska oo Qirtay Dedaalka Somaliland ee Cidhibtirka Argagixisada

0
614

London-(Dawan):- Xukuumada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland kaalin muhiim ah ka qaadato la dagaalanka cidhibtirka Argagixisada ee Gobolka, oo dhinacyo badan ay ka taageeraan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Ingiriiska Harriet Baldwin oo khamiistii Xildhibaan Jim Cunningham, oo xisbiga Shaqaalaha ka tirsan, ka weydiiyey wadaxaajoodyadii u dambeeyey ee Ingiriisku kala yeesho Somaliland, dhinaca amaanka Gobolka iyo Madaxbanaanida Somaliland ee mustaqbalka, ayey tidhi,

“Arrimaha amaanka ayaa ka wada hadalnay Madaxweyne Muuse Biixi socdaalkii aan ku tegay Hargeysa 7da, bishii Oktoobar. Somaliland kaalin muhiim ah ayey ka qaadataa cidhibtirka halista argagixisada ee Gobolka, Ingiriiskuna waxuu u fidiyaa taageero dhinacyo kala duwan leh, oo kor loogu qaadato awoodeeda baajinta halista argixisada, uruurinta caddaymaha, iyo ku dhaqanka xuquuqal-insaanka iyo sharciga. Ingiriisku waxuu kaloo taageera dedaalada Somaliland ku biiriso xasiloonida Gobolka, iskaashi uu kala sameeyo Booliiska, garsoorka iyo Ururada Bulshada.

Waxaan walwal ka qabna adagaaladii horaantii sannadkan ka dhacay magaalada Tukaraq, waxaanan si adag ugu dhiirigelinaynaa in dhinacyada si ay ugu xalliyaan khilaafaadka nabad ay raacaan geeddi-socodka dhexdhexaadinta ay hoggaamineyso Hay’adda Inter-Government Authority Development (IGAD).

Mar ay ka hadlaysay mowqifka Ingiriiska ee madaxbanaani Somaliland hesho mustaqbalka, Mr. Cunningham oo xildhibaanada isku-dhafka saaxiibada Somaliland ka tirsan, weydiiyey ayey raacisay,

“Ingiriisku ma aqoonsana cadaynta madaxbannaanida Somaliland. Mawqifkayaga mudada dheer ayaa ah in Soomaalidu gudahooda ka gaadhaan masiirka Somaliland qaab wadahadal, wadammada Gobolkuna taageeraan natiijada ka soo baxda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply