Wasaaradda Beeraha oo ka Hadashay Isbedelka Cimilada iyo Xarun Lagula Socdo oo Dalka laga Hir Geliyay

0
800

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa ka hadashay isbedelka cimilada adduunka ee soo kordhaysa iyo Xarumo lagula soconayo saadaasha hawada oo ay ka hir gelisay dalka.

Waxaa kale oo ay ka hadashay isbedelka cimilada iyo gumaadka dhirta oo dalka ka dhigay mid saxare ah oo la xaalufiyay. Sidoo kale wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa ka digtay dhir goynta lagu gumaadayo geedaha oo ah nimco ALLE inna siiyay oo nolosheena laf dhabar u ah.

Agaasimaha Saadaasha Biyaha iyo Dhulka ee Wasaarada Beeraha Somaliland Cabdiqani Yuusuf Galaydh oo arrintani ka hadlay, waxa kale oo uu sharraxay xarumo lagula soconayo saadaasha hawada oo ay ka hir geliyeen gobolada Somaliland iyo qorshe ay doonayaan in ay ku sii kordhiyaan xarumahaas oo uu sheegay in ay hadda gaadhsiiyeen 42 xarumood oo shaqaale xirfadleyaal ahi ay ka hawl galaan.

Agaasimaha Galaydh waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan. Isaga oo ka hadlayay is bedelka cimilada iyo sida ay dalalka caalamku ugu kala duwan yihiin, ayaa yidhi. “Isbadalka Cimiladu waa wax caam ah oo ka jira adduunka oo dhan oo sibaayo kala duwan u sameeyay waddamada qaarakood, intooda badan adduunka waxa laga cabanayaa oo kordhaya xadiga heer kulka halka qaar kalena laga cabanayo heerka qabowga,waxaana la leeyahay saamayn badan ayuun ku yeelanayaa xadiga kulayl ee sii badanaya sida dhulka godan oo kale oo uumi bax fara badani uu samaysmayo uumi baxaasina hadduu samaysmo Roob faro badan ayaa ka di’i kara dhulka sare,wadamada qaar ayaa soo dhawaynaya heer kulkaa kordhay oo waligoodba baraf ku jiray.Ruushka oo kale waxay u dabbaal degayaan in heer kulku kordho waligoodba waxay ku noolaayeen baraf markaa caalamka inta heer kulku saamaynayo ayaa badan.”.

Agaasimaha oo ka hadlayay saamaynta is bedelka cimiladu ay ku yeelatay Somaliland waxaa uu yidhi. “Somaliland ahaan saamayn ayuu innagu yeeshay cimilada adduunka ee isbedelaysa, waxaana isbedeshay cimiladii.waxaana isbedelka cimilada inoo raaca innagu waxaynu nahay wadamada saxare ku xigeenka ah wadankeenana waxa uu raacay oo uu noqday saxare waxaana inoo dheer xaaluf ayaa lagu sameeyay deegaankii innaga Somaland bini aadamka ayaa sameeyay in waddankeenu saxare noqdo oo aynu adduunka kaga duwannahay. guud ahaan waddankeenana wakhtiga qabowgu saayid ayuu innagu noqday, kulaylkiina saayid ayuu innagu noqday waana calaamadihii saxaraha waayo dhirtii ayaa xaaluftay dhirtuna cimilada ayay ka qayb qaadataa marka uu kululaado geedku wuxuu sii daynayaa kulayl marka qabowgana wuxuu sii daynayaa qabow. markaa Xog ay samaysay qaybta saadaasha hawada ee wasaarada beeraha 12 kii sano ee u dambeeyay waxa aanu u ogaanay in roobkii maalinba maalinta ka dambaysa Somaliland ka sii yaraanayo waxaana innagu soo noqnoqday abaar.”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray xarumo lagula socdo saadaasha oo ay ka sameeteen gobolada dalka isla markaana ay doonayaan in ay sii kordhiyaan. “waxaanu gobolada dalka ka samaynay 42 xarumood oo saadaasha hawada ah oo aanu ku ogaano xadiga roobka oo Satalaytka ku xidhan shaqaale u tababbaran ayaa jooga xarumahaas 64 shaqaale ah ayaa ka hawlgala waxaanan doonaynaa in aanu sii badino oo aanu ka dhigno boqol xarumood si dalka oo dhan aanu uga helno xog fara badan.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply