Garyaqaanka Wakiiladda oo Sharraxay Hannaanka ay Maraan Xeerarka ka soo Baxa Golahaasi

0
359

Hargaysa (Dawan):- Garyaqaanka guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, ayaa faahfaahin ka bixiyay hannaanka ay soo maraan xeerarka golaha wakiiladda ka soo baxa iyo sida looga talo geliyo hadba cidda uu xeerku quseeyo.

Waxa kale oo uu ka hadlay laba xeer oo uu bayaamiyay sida ay qaranka muhiimka ugu yihiin ee loogu baahan yahay in qaranku uu yeesho oo ay soo baxaan, kuwaas oo uu sheegay in golaha wakiilada dhawaan la hor keeni doono oo ay hadda marayaan jaran jaradii koobaad. Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan.

Garyaqaan Mustafe oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Xeer kasta oo Golaha Wakiilada hor yaalla cod ayaa lagu kala baxaa go’aanka ugu dambeeyana waxa uu noqonayaa dhinaca loo bato ee xildhibaanada golaha wakiiladu u codeeyaan ka dibna madaxweynaha ayaa loo gudbinayaa madaxweynuhuna wuu saxeexayaa. Sidaas ayuuna ku dhaqan gelayaa xeerkaasi.

Marka uu dhaqangalo xeerku ee uu muddo shaqeeyo waxa la eegayaa wixii ka soo noqda markaa xeerarku sidaas ayay ku shaqeeyaan, waxaana ka mid ah xeerarka ajandaha ku jira xeerka Xawaaladaha iyo xeerka maydhista lacagaha waanay jiraan xeerar badan oo ka horreeyay oo la ansixiyay.waxaana xeerkani ka mid yahay xeerarka muhiimadda uu siinayo golaha wakiiladu lana filayo in labada bilood ee socda golaha wakiilada la hor dhigo waana markii u horraysay ee Somaliland yeelato xeerka Xawaaladaha iyo xeerka maydhista lacagaha”.

Sidoo kale Garyaqaan Mustafe waxa uu sheegay in golaha wakiiladu ka talo galiyo cidda ay khusayso xeerarka ay samaynayaan.waxaanu yidhi“Marka Xeerarka Golaha Wakiiladu samaynayaan waxay ka talo geliyaan cidda ay khusaynayso markaa xeerkan Xawaaladaha ee golaha wakiilada hor yaalla waxa laga talo galiyay shirkadaha xawaaladaha ee ay khusaynayso,waxaana xeerkan ku taxaluqaa Xuquuqaha ay leeyihiin shirkadaha ka shaqeeya xawaaladaha inay sharci yeeshaan muhiim ayay u tahay waayo lacag ayay maamulayaan lacagtuna waa asadkii dadka dastuurka ayaana sheegaya oo odhanaya dawladda ayaa ka masuul ah ilaalinta maalka dadka reer Somaliland,markaa hay,adaha la dhigayo lacagtu waa in ay noqdaan hay,ado sharciya oo ruqsad ka hasyta dawladda oo sifo sharciya ku shaqeeya.waxa kale oo xeerkan xawaaladaha ku jira qaabka ay shirkadaha xawaaladuhu ugu shaqaynayaan nidaamka online ka ah”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply