Wasiir Faratoon oo la Kulmay Wasiirka Ganacsiga Kenya

0
442

Nairobi (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa kulan la yeeshay wasiirka wasaaradda ganacsiga dalka Kenya Mr. Peter Munya.

Wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sharraxay shirkan dhex maray labada wasiir, kaas oo ahaa mid ku wajahan arrimaha maalgashiga oo dawladda Somaliland Jimcihii ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wargeyska Standard tallaabadaasi ku sifeeyey mid Ganacsatada Kenya loogu Iftiimiyey fursadaha ganacsi ee ka jira Somaliland’ waxaana warbixinta Wargeysku baahiyey soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaanay u qornaa sidan:-

“Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Somaliland, Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in dalkiisu danaynayo inuu albaabadda u furo ganacsatada shisheeye, waxaanu xusay in aanay doonaynin oo kaliya inay la ganacsadaan Kenya, balse ay rabaan in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada tirada badan ee raadinaysa shaqooyin iyo fursado ganacsi.

Wasiirku wuxuu sidaas ka sheegay shir uu soo qaban qaabiyey xafiiska Somaliland ku leedahay Kenya.

Wasiir Faratoon wuxuu intaas ku daray in Somaliland iyo Kenya ay wadaagaan cilaaqaad soo jireen ah oo u baahan in la xoojiyo, waxaanu xaqiijiyey inay Somaliland ka soo dhoofsan doonto Kenya baddeecadihii markii hore uga iman jiray dalalka koonfurta Ameerika oo aad uga fog.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Kenya, James Mureu, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ganacsiyo ka furtaan Somaliland. Waxa kaloo uu xaqiijiyey inay danaynayaan hindisaha isku furka ganacsiga qaaradda Afrika oo dhan.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in kulankaasi uu ku saabsanaa sidii maalgashadeyaasha reer Kenya loogu soo caddeyn lahaa fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ay ka heli karaan Somaliland, waxaanu ku dooday in Kenya wax badan u dhoofin karto Somaliland.

Shirkaas shalay lagu qabtay Nairobi, waxa ka qaybgalay ganacsato badan oo ka socotay Kenya iyo Somaliland,waxa kaloo goob joog ka ahaa wefti Wasiirro ah, waana shirkii u horreeyey ee noociisa ah ee Somaliland ku qabto qaarada Afrika.

Dhinaca kale Weftigii wasiirada ahaa ee uu hoggaaminayay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ‘Faratoon’ ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya Peter Munya.

Intii kulanku socday arrinta ugu muhiim san ee aanu ka wada hadalnay waxay ahayd sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ganacsi ee hor taagan xidhiidh ganacsi oo toos ah in labada dal ee Kenya Iyo Somaliland ay wada yeeshaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply