Shaqaalaha Dowladda Somaliland oo loo Sameeyay Sumad u Gaar ah

0
377

Ceerigaabo (Dawan)- Shaqaale weynaha dowladda Somaliland ayaa markii ugu horraysay yeeshay sumad guud oo gaar u ah, taasi oo lagu aqoonsan doono, waxaana qaybinteeda laga bilaabay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaao.

Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha dowladda Somaliland, Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa sheegay in ay bilaabeen guddoonsiinta aqoonsi-sooc u noqon doona shaqaale weynaha dowladda.

Guddoomiye Sharmaake oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu bilownay qaybinta aqoonsiga shaqaalaha dowladda iyo shaqaalaha gobolka Sanaag oo lagu bilaabay gudoonsiinta Aqoonsi baadi-sooc u noqon doona, Kadib markii la soo af-meeray hawl-qabadkii qaran ee suggida tirada iyo tayada Shaqaalaha dowladda isla markaana Shaqaalaha dowladdu yeesheen keyd iyo xog-buuxda ayaa waxaa bilowday in Shaqaalihii la diiwan-geliyey loo sameeyo aqoonsi shaqaale “Employee ID card”

Guddoomiye Sharmaake ayaa sheegay in aqoonsiga uu noqon doono sumad u gaar ah shaqaale weynaha dowladda, waxana uu yidhi ”Aqoonsigan waxa uu Shaqaalaha u noqon doonna summad ay kaga duwanaadan shacabka Wasaaradda ama xarunta dowladeed u soo adeeg doontay isla markaana kor u qaadi doonna hannaanka dowladnimada iyo haybada Shaqaalaha dowladda, Kaalinta tuutuhu kaga jiro astaanta ciidanka qaranka ayuu aqoonsigani-na u geli doonna Shaqaalaha Dawladda waxa aanu u horseedi doonnaa in uu u furo jidad badan oo soo socda Idan Alle”

Bilowga qaybinta aqoonsiga shaqaale ee shaqaalaha ayaa lagu daah-furay Gobolka Sanaag iyada oo gobol walba iyo xarumaha Dowladda-na laga bilaabi doonno Idan Alle.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply