Shirkadda Sagal Jet oo si Weyn uga Dhex Muuqatay Carwada Ganacsi Jabuuti

0
364

Jabuuti (Dawan)- Shirkadda daabacaadda casriga ah ee Sagal Jet, ayaa ka qayb gashay Carwo ganacsiyeedka dalka Jabuuti, Carwadaasi oo ay ka soo qayb galeen in ka badan laba boqol oo shirkadood, halkaasi oo ay si weyn uyga dhex muuqatay Shirkadda Sagal Jet oo xarumo waaweyn ku leh gayiga ay Soomaalidu degto oo dhan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwada koobaad ee dalkaasi ayaa ka qayb galay bandhigga carwadaasi, iyaga oo booqday goobtii ay Shirkadda daabacaadda casriga ah ee Sagal Jet ku soo bandhigaysay adeegyadeeda.

Guddoomiyaha Shirkadda daabacaadda casriga ah ee Sagal Jet, Cabdi Yuusuf Aar ayaa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwada koobaad ee qaranka Jabuuti, iyada oo shirkadda Sagal Jet ay hadyaddo guddoonsiiyeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwada koobaad ee qaranka Jabuuti.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shirkadda Sagal Jet ku ammaanay dedaalka iyo horumarka ay wadaan, waxaanu halkaasi uga jeediyay hadallo isugu jiray dardaaran iyo duco, waxaanu sheegay in shirkadda Sagal Jet ay gacanta ku hayso adeegyo casri ah oo tayo leh, isla markaana bulshada ku hadasha afka Soomaaliga u horseed horumar iyo shaqo abuur.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply