Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye oo si adag ugu Jawaabay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland

0
376

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbil xaakimka KULMIYE, mudane Maxamuud Jaamac Warfaa, ahna xildhibaan ka tirsan golaha wakiilladda Somaliland ayaa si adag uga jawaabay eedo ay xisbiyada mucaaridku u jeediyeen xukuumadda, kuwaasi oo sheegeen in ay xukuumadda dabada ka riixayso Mooshinkaas ku saabsan in muddo xileedka axsaabta qaranka laga dhigo shan sanno.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE mudane Maxamuud Jaamac Warfaa, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland aanay wax lug ah ku lahayn mooshinkaasi ay sheegeen axsaabta mucaaridka Somaliland, isla markaana ay tahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

Gudoomiye Maxamuud Jaamac Warfa, sidoo kale waxa uu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANi ku eedeeyay masuuliyadda diub u dhaca doorashooyinka ku yimi, isaga arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu ma qabo in Mooshinkaasi ay xukuumaddu dabada ka riixeyso, oo ay iyadu waddo, waana mooshin ay mudanayaal soo dhigeen, mana qabo in dawladdu ay ku lug leedahay.

Mooshinkaasi la sheegayana waxaanu u aragnaa anagu mid ka hor imanaya xeerka doorashooyinka ee xeer 14, kaasi oo dhigaya in toban sanno lagu qaato liisaanka xisbiyadda, sababta oo ah shan sanno kuma fila.”

Sidoo kale xildhibaan Warfaa, waxa uu ka hadlay sababaha keenay dib u dhaca doorashadda, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu doorashadu in ay wakhtigeeda ku qabsoomeyso ayuu ku dhawaaqay, islamarkaana kharashkii ku baxayay wixii kaga aadanaana waa uu bixiyay, anagana ka KULMIYE ahaan madaxweynuhu waxaa uu nagu yidhi waad u diyaar garoobeysaan doorashadda, oo wakhtigeedi ma dhaafeyso, Soomaaliduna waxaa ay tidhaaha ‘ruqa ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo’.

Guddida doorashooyinka Somaliland cid bay eedeeyeen oo ay yidhaaheen xisbiga WADDANI ayaa wixii aanu qaban laheyn hortaagan oo nala shaqeyn waayay. Sidaa darteed marka la yidhaaho xisbigii mucaaridka ahaa ee Waddani ayaa yidhi guddida doorashooyinka lama shaqeynayno, waa la og yahay in aanay waxba soconeynin, gudidi doorashaduna ma dhaqaaqi karaan markaa, wakhtigiina waa uu isa soo guray, deetana waxaa ay noqotay in tobankii bilood ee ay qabsadeen afar bilood ay ka hadho, danbaana ku kaliftay inay ku dhawaaqaan in aan doorashadda wakhtigeeda lagu qaban karin.”

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay socdaalkii madaxweynaha Somalialnd ku soo maray gobolada bariga ee dalka, waxaanu yidhi “Waxa la yidhi ‘Muruqa laba Suul Ninba si la ah.’ Madaxweynaha Somaliland socdaal dheer buu ku soo maray gobolada bari ee dalka, marka laga reebo Badhan, degmada Badhanna nin dagaal iyo rabshad doonaya uun baa taga, Badhanina waa degmo ka mida Somaliland, taasi muran kuma jiro. Badhan calankii Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka taagan, ciidankeeni ayaa jooga, wax mushaakil ahi kama taagna, hase ahaate nin isagiiba dagaal doonaya markaad tidhaaho maxaad u timid nin dagaal doonaya uun baad tiisi u horseeday, degmadda Badhana iyadda oo iska degan oo caadiya ayuu madaxweynuhu tagi doonaa Insha Allah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply