“Tartanka Shaqaaleynta illaa Hadda Waxa Guulaystay 30 Gabdhood”

0
347

Laascaanood (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa magaaladda Laascaanood si rasmi ah ugu soo bandhigtay xubnaha ku guulaystay Imtaxaankii loo galay kaalmaha shaqo ee ay dawladdu ka qaadanayso gobolka Sool, kaasi oo ay ku tartameen 190 qof.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa shalay waxa uu si rasmi ah magaaladda Laascaanood ugu soo bandhigay 50-kii qof ee ku guulaystay Shaqooyinka ay dawladdu ka qaadatay Gobolka Sool, waxaanu Guddoomiye Sharmarke Geelle Hambalyo iyo duco u diray dhamaan Xubnaha nasiibka u yeeshay inay ku soo baxaan Imtixaankii dawladdu shaqaalaha ku qaadatay.

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo kulan sagootin iyo hambalyo ah Laascaanood kula sii qaatay 50-kii guulaystayaasha Gobolka Sool ku soo baxay Imtixaankii Dawladdu shaqaalaha halka kaga qaadatay waxaana qoraalkii guddoomiye sharmarke Geelle u dhignaa sidan.

“Hambalyo Guulaystayaasha Gobolka Sool

– Waxaa si habsami ah u soo dhammaaday Tartankii Gobolka Sool halkaas oo hubin iyo kala hufid kadib ay gobolka Sool u ansaxday in ay imtixaanka u fadhiistaan 190 tartame balse ay soo xaadiray una fadhiisteen imtixaanka 172 tartame.

-Tartamayaasha 172-ka ah ayaa u kala baxayay 134 rag ah halka gabdhahu-na ka ahayeen 38-tartame.

-Ugu dambayn, tartan xalaal iyo xirfad ku dhisan kadib waxaa soo guulaystay 35 wiil iyo 15 hablood.

-Hambalyo dhammaan tartamayaasha Gobolka Sool waxaanan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.

-Kulan is barasho iyo bogaadin ah kadib, waxa aan hadda u soo jeednaa Gobolka Togdheer oo berito Insha Allah ay tartan kaalmo shaqo ka bilaabmayaan halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxdii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply