Magacyada Shirkadaha ku Guulaystay Fulinta Mashaariic Qaranka Laf-dhabar

0
407

Hargeysa (Dawan) Guddodomiyaha guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay shirkadaha ku guuleystay fulinta saddex mashruuc oo waaweyn oo tartan xor iyo xalaala loo galay.

Agaasimaha guddida qandaraasyadda qaranka mudane Maxamed Axmed Xasan (Jabarti Saadle) oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay inta badan tartanka u galiyaan shirkaddaha dhismaha ay tahay sidii ay bulshadda Somaliland ugu kala bixi laheyd tartano xor iyo xalaala.

Guddoomiyaha gudida qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen oo isugu ugu horreyn goobtaasi ka hadlay ayaa taxay magacyadda shirkaddaha ku guuleystay bineynta saddexda mashruuc ee kala duwan waxaanu yidhi “Dhismaha lagu soo kordhinayo cisbitaalka guud ee Hargeysa waxaa u tartamay Najax Constraction, Asli Construction, Khalaf Constraction, waxaana ku guuleysatay dhismahaasi Najax Construction, kastamka Berbera saddex shirkadood ayaa isagu soo hadhay, Meecaad Constraction, Tayo Constraction, Sacda Constraction, waxaana ku guuleystay Meecaad Constraction, kastamka Hargeysa saddex shirkadood ayaa isugu so baxay waxaana ku guuleystay Kullan Constraction”

Agaasimaha gudida qandaraasyadda Somaliland Maxamed Axmed Xasan (Jabarti Saadle) ayaa sheegay in sababta loo tartansiinayo shirkaddaha ay tahay in ay bulshaddu ogaadaan in uu jiro tartan xor iyo xalaal ahi waxaanu yidhi “Tartamo badan ayaynu halkan ku soo qabaney maalin, waxa heleya walaalaheen, waana leysku niyeeyaa, maalinta kalena qof kale ayaa hela waana leysku niyeeyaa, hase ahaate ujeedada ugu weyn ee gudida qandaraasyadda qaranku ka leeyihiin waxaa ay tahay in bulshada Somaliland ay tartamaan islamarkaana si xor iyo xalaala lagu kala saaro”

“Anagu ka shirkadd ahaan waa markii sideedaad ee aanu tartan todobadii hore waa nalaga helay kamaanaan niyad jabin ee waxaa aanu ku qanacsaneyn in aanu mar uun guuleysan doono tiina waa ay dhacday oo waanu guuleysaney” Ayuu yidhi mid ka mida shirkadii ku guuleystay saddexdii mashruuc ee waa weynaa ee la shaaciyay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply