Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa oo la Kulmay Wefti Ka Socda Midawga Yurub

0
359

Hargeysa (Dawan):- Maareeyaha wakaalada biyaha ee Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaa ka war bixiyey ujeedada ay u socdeen wefti ka tirsan midawga Yurub oo uu la kulmay.

Maareeye Maxamed Cali Daarood ayaa shaaciyey in weftigani ay kormeerayeen mashaariicda biyo balaadhinta Hargeysa oo ay maal galiyaan kuwaas oo illaa hada socda, waxaanu yidhi “Weftiga midawga yurub ujeedada ugu muhiimsan ee ay u yimaadaan waxay ahayd inay soo arkaan mashaariicda biyaha ee Hargeysa waayo midawga Yurub iyaga ayaa gacanta ugu balaadhan ka gaystay mashruuca Geed-deeble marka ay xaga kaalmada noqoto, mashruucan biyaha ee hadda socda ee meesha wanaagsan marayana lacagtii koowaad ee lagu bilaabay waxay ahayd lacagtii Midawga Yurub iyo qaadhaanka ay bixiyeen ee sanduuqa SDF, kaas ayaana keenay in mashruucu fido oo markii dambe ay soo gasho dawladda jarmalka, banigiga horumarinta Jarmalka iyo Cocacola Foundation, waana mashaariic muhiim ah oo qaybo badan oo ka mid ahi gaba gabo ku dhaw yihiin”ayuu yidhi maareeye Daarood oo la hadlay Saabtv.

Sidoo kale waxa uu ka war bixiyey kormeer ay ku tageen goobaha biyo soo saarka ee Hargeysa waxaanu yidhi “Weftigani waxay tageen Geed- deeble waxaanay soo arkeen shaqadii laga qabtay dhuumaha cusub ee Geed-deeble illaa Hargeysa oo gaba gabo ku dhaw, waxa kale oo ay soo arkeen xarunta cusub ee biyo saarka cusub noqonaysa taas oo ay saacado badan joogeen waanay u soo kuur galeen shaqada muhiimka ah ee Biyaha Hargeysa ay ka qabteen Midawga Yurub balse aan dhamaystirnayn laakiin meesha fiican maraysa taas oo ahayd ujeedada ay u yimaadeen”

Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyey mashruuc uu dhawaan saxeexay oo ku saabsan biyo gelinta magaalada gudaheeda waxaanu yidhi “Mashruucii dhawaan la saxeexay oo ah mashruuca dhamaystirka u noqonaya mashaariicda inooga soo socota Geed-deeble illaa Hargeysa waxa uu ahaa mashruuca biyo galinta magaalada gudaheeda oo iskugu jira qaybihii kala duwanaa oo ay ku jiraan dhigista dhuumaha yar yar iyo kuwii waa weyna kuwaas oo la dhigi doono masaafo dhan 149km oo magaalada gudaheeda ah oo shanta degmo ee waa weyn ee magaalada ah iyo in la sameeyo kaalmihii ay dadku biyaha ka cabayeen.”

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay oo yidhi “Mashruucaas waxaanu saxeexnay 30 October sida caadiga ahna shirkada waxa la siiyaa wakhtiga diyaar garawga, maantana shirkadii waxay u timid bilawga hawsha iyada oo bilawguna uu noqonayo in waxna laga helo dalka waxna laga keeno dibeda, markaa dhuumaha oo kale wadanka lagama helayo balse waa inay warshadii heshiis la soo galaan oo ay soo raraan taas oo muddo sideed bilood ah qaadan doonto laakiin dhismayaasha barkadaha ayaa ah shaqo ay sii bilaabi karaan, taasna bisha December gudaheeda ayey bilaabi doonaan.”

Ugu dambayn waxa uu ka waramay dhismaha kaydadka biyaha ee degmada Gacan Libaax oo aan wali la dhamaystirin “Meesha kaliya ee dhibta ugu badani ka taagan tahay waxay ahayd kaydkii loo samaynayey degmada Gacan Libaax oo ka mid ah degmooyinka ugu balaadhan Hargeysa, hawshaasna wali muu dhamaan xalkeedu balse waa lagu jiraa waxaanay u dhamaan doontaa si dhakhso ah.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply