Madaxweyne Muuse oo Dhisme Cusub ka Dhagax-dhigay Cusbitaalka Hargeysa

0
537

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Munaasibad kooban oo lagu dhagax-dhigayey dhismayaashan cusub ee cusbitaalka oo lagu qabtay xarunta guud ee cusbitaalka Hargeysa, waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargaysa iyo shaqaale weynaha ka hawlgala cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Waxaanay masuuliyiinta cusbitaalka guud faahfaahin kooban ka bixiyeen qaabka uu noqon doono dhismaha cusub ee haweenka iyo dhallaanka loo hirgelinayo iyo sida uu u saacidi doono baahidii cusbitaalka taallay.

Agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa shaaca ka qaaday inay dhismaha xarunta cusub ee Ummusha iyo dhallaanka uga gol leeyihiin sidii loo yarayn lahaa baahida dhinaca dhismeyaasha ee cusbitaalka guud.

Si ay Hooyada dhalaysaa u heli lahayd goob ku habboon dhalmada, ubadka dhalanayaana ay daryeel buuxa ka helaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa isna dhan kiisa xukuumadda uga mahad naqay sida ay ugu hagarbaxday dhismaha iyo casriyeynta cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Isagoo na madaxweynahana ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado tayada adeegyada uu cusbitaalku bixiyo iyo ballaadhinta dhismihiisaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey hawsha adag ee ay bahda caafimaadku bulshada u hayso iyo sida aanay dheef ku filan uga helin.

Waxaanu ka codsaday inay dedaalkooda laban-laabaan, isla markaana ka hawlgalaan sidii cusbitaalka guud ee Hargeysa u noqon lahaa mid lagu soo hirto. Waxaanu yidhi “Bahda caafimaadka dadkiinnu way idiin mahadnaqayaan, waxana la idiinku mahadnaqayaa nafta Bani’aadamka, ayaa badbaadisaan oo usoo jeeddaan, dhaqaalena kuma qabtaan, laakiin intaas iyo in ka badan baa la idinka rabaa.

Dal baynnu dhisaynaa, waxana aynnu doonaynaa inay cusbitaalladeennu noqdaan kuwo loosoo dawo doonto oo aanay dadkeennu diyaarad u raacin dad idin lamid ahi waxa ay qabteen.”

Madaxweynuhu waxa uu hogo-tusaaleeyey baahida loo qabo in kor loo qaado tayada shaqaalaha caafimaadka iyo sida ay lama huraanka u tahay in gacmaha la isu qabsado horumarinta cusbitaalka guud ee Hargeysa.

“Waxaynnu u baahannahay inaynnu beddelno dhaqankeenna shaqaalaha caafimaadka, ka Booliska iyo ka shaqaalaha oo dhan, mar haddaad tabcayso oo aad waqtigaagii dadkaaga siinayso, dadkaagii si wanaagsan ula dhaqan.

Lacagta inagaga baxda diyaaradaha lagu tago Hindiya iyo fiisahoodu Cusbitaallada ugu wanaagsan adduunka ayey halkan ka dhisi lahaayeen, annaguna qaybtayada waannu ka qaadanaynaa, idinkuna qaybtiina ka qaata haddaad bahda caafimaadka tihiin, waana in cusbitaalkii nidaam loo yeelaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kharashka ku baxaya dhismahan cusub ee loo dhisayo cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayey bixin doontaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu noqon doonaa dhismahan mid shub ah oo ay yaalliin ilaa lixdan sariirood oo loogu talo galay hooyada ummulaysa iyo dhallaanka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply