Wasiir Boos Mire oo Sagootiyay Cayaartooy Safar ugu Baxay Jabuuti

0
385

Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, ayaa ambabixiyay wefti heer qaran ah oo u hogaaminayay agaasimaha waaxda leg-danka iyo qalaama- rogadka Jabuuti Cabdirixiin Sheekh Maxamed Faracade.

Waxaanay xubnahan cayaartooyga ah muddo laba todobaad ah hawlo shaqo u joogi doonaan dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

Wasiir Boos Mire Maxamed, hadal ka jeediyy sagootinta weftigan reer Jabuuti, waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ka ambabixineynaa agaasimaha qalama rogadka iyo lagdanka oo tagi doona dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka nahay Insha Alalah.

Ma aha markii horaysay ee uu safar noocan oo kale ah uu baxo, oo Itoobiya tababaro la xidhiidha qalaama rogaadka iyo lag-denka ayuu ku bixiyay, waa masuul qaali ku ah wasaaradda iyo qarankaba.

Xirfadiisu-na aad iyo aad u sareyso, waxaanu rejaynaynaa in uu guul u soo hoyn doono qaranka Somaliland waxaanaynu doonaynaa in bulshadda Somaliland goob kasta guul iyo gobonimo inooga soo hooyaan.

Waanu la socon doona hawlahaaga inta aad halkaasi joogtid shacabka Somaliland na waa uu ku garab taagan yahay”.

Agaasime Cabdirixiin Sheekh oo isna madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa balanqaaday in mudada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti uu samayn doono wejiyo cusub oo la xidhiidha arrimaha cayaaraha qalaama rogadka iyo Leg-danka ee labada dal.

Waxaanu yidhi “Safarka aan u socdaa waa safar shaqo, maadaama aan shaadhkii qarankani lahaa aan xambaarsanahay, waxaan balan qaadaya sidii Illaahay igu og yahay in aan shaqadaasi u qabto, in aan xidhiidhka cayaaraha ee Jabuuti aan la kulmo, isla markaana rejo weyn ku soo kordhiyo wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee Somaliland. Weji cusub in aan keeno ayaan ku rejo weyn-nahay, mudadaa labada todobaad ah ee aan maqanahay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply