Hargeysa (Dawan)- Wasiirkii Caddaalada ee Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa hoggaanka dalka Soomaaliya ugu baaqay in ay aqoonsadaan Somaliland si ay shacabkoodu uga faa’iidaan.
Aadan Dhoolayare ayaa Dawladda aan iskeed isu maamuli Karin ee Soomaaliya ugu baaqay in ay ka waantoobaan xumaanta iyo xisdiga ay u hayaan Shacabka Somaliland, waxana uu yidhi “Arrinteenu halka ay taallaa waa Soomaaliya waa in aynu la hadalnaa, laakiin Madaxda Soomaaliya icitiraafka waxa ay inagu diidan yihiin waxay u haystaan in ay inagu xumaynayaan, waxayse ku xumaynayaan shacabkooda, sababta oo ah ictiraaf la’aanteenu shacabkooda ayey u xun tahay, ma degayaan inta ay Somaliland xaasidayaan.”
Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa ayaa xisbiyada qaranka dusha u saaray dib u dhaca ku yimid doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, waxaanu yidhi “Masuuliyada dib u dhaca doorashooyinka saddexda xisbi qaran ayaa wada qaba, sababtoo ah, marka saacadaha ugu danbeeya la yidhaahdo doorashaa la qabanayaa ama xeerbaa la samaynayaa in lagu hanbabaro maaha, baarlamaankuna waa sidaas si leeg oo dhawr iyo toban sanno ayay fadhiyeen oo xeerarki iyo qawaaniintii lagu shaqayn lahaa wax badan baa qabyo ah, wax badan baa miiska la hoos dhigay, baannankii la furi lahaa iyo waxyaalo fara badan oo noocaas oo kale ah ayaa jira, markaa tan iyada dib u dhaceeda waynu ku ceebaysanahay oo geedi socodkii dimuqraadiyada ayay wax yeelaysaa.
Dawannews Hargeysa office