Wasiir Cabdillaahi Abokor oo u Ballanqaad u Sameeyay Arday Bartay Farsamada Gaadiidka

0
385

Hargeysa (Dawan)- Dufcadda koowaad ee ka baxda Dugsiga Farsamada Gaadiidka ee Iftin ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin kala duwan, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 13 arday.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Caasimadda Hargeysa shalay, kana qaybgaleen Wasiirrada Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, Gaashaandhigga Md. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), madax ka socotay Wasaaradda Waxbarashada iyo saraakiil kale oo dowladeed, waxa lagaga hadlay aqoonta iyo farsamada ay barteen 13-ka arday, kuwaasoo la sheegay inay awood iyo aqoon u leeyihiin dayactirka gaadiidka kala duwan ee dowladda Somaliland.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ardaydan ay karti iyo dedaal dheeraad ah muujiyeen muddada ay ku jireen waxbarashada, isagoo ammaan iyo mahad-naq u jeediyey macallimiinta ku hawlannayn waxbarashada ardaydaas.

“Waxa aannu idiin ballanqaadaynaa in aad ka mid ahaan doontaan kooxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxa kaloo aan jecelahay in aan halkan ummadda reer Somaliland uga iclaamiyo in aannu Insha Allaah qaadan doono dufcaddii labaad oo baran doona farsamada gaadiidka (automobile), maadaama aad idinku ku qallin-jabiseen shahaadada dibloomada, waxaanna inoo qorshayn in aynu keeno laba khabiir oo ajnabi ah, iyadoo aannu isku dayi doono in idinka laftiinu aad sii kordhisaan aqoontiina oo aad gaadhaan heerka digriiga, idinka oo shaqadiinana ku jira in aad haddana sii wadataan waxbarashadiina,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Ciise Yuusuf Xawar oo isna goobta hadal ka jeediyey, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda farsamo-yaqaannada ah ee ka qallin-jabiyey awoonta cillad-saarka iyo farsamada gaadiidka, waxaannu yidhi; “Horumarku waxa uu ka bilaabmaa in dadku ay leeyihiin xirfad iyo farsamo oo ay yihiin dad ama bulsho wax qabsan kara, waxaanan idiinku bushaaraynayaa in aad mustaqbal fiican bilawdeen.”

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka loo soo xushay arday loogu talogalay inay wax ku bartaan Dugsiga Farsamada Gaadiidka, waxaannu yidhi; “Maalintii aannu ardaydan qaadanaynay waxa imtixaan galay 150 arday, waxaanan ka qaadanay oo soo baxay 20-kii arday ee ugu sareeyey, waxa halkaas soo gaadhsiiyeyna waxay ahayd aqoon iyo imtixaan ay ku kala hadheen, waxaanna jirta in ardaydan hadda qallin-jabisay ay si toos ah Shirkaddii baabuurka soo samaysay ay uga dalban karaan wax kasta oo uu gaadhigu u baahdo ama ay xalin karaan gaadhi kasta oo dowladdu leedahay oo ay cillad ku timaad, aqoonteediina way barteen.”

Xubin ku hadlay afka ardayda qallin-jabiyey, ayaa sheegay inay caqabado kala duwan soo mareen muddada ay ku jirteen waxbarashada, waxaannu yidhi; “Arday ahaan caqabado fara badan ayaannu soo marnay intii aannu ku gudo jirnay waxbarashada, waana Alxamdullilaah oo waxa mahadda oo dhan iska leh Ilaahay oo naga soo gudbiyey, waxaanan diyaar u nahay in aannu ka soo baxno wixii uu qarankani noo igmaday oo aannu kaalintayada ka qaadano gaadiidka iyo dayactirkoodaba.”

Agaasimaha Waaxda Farsamada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Maareeye-ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Md. Mustafe Qalab oo hadallo ka jeediyey madasha, ayaa ardayda kula dardaarmay inay dalka iyo dadkooda ugu shaqeeyaan waxbarashada farsamada gaadiidka ee ay barteen, kuwaasoo sidoo kale Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ku ammaanay dedaalka ay gelisay sidii loo soo saari lahaa farsamo-yaqaanno aqoon iyo xirfad sare u leh dayactirka gaadiidka.

Ugu dambayntiina, waxa halkaas shahaado abaalmarinno isugu jira shahaadooyin iyo qadar lacag ah lagu guddoonsiiyey saddex dirawal oo ka mid ah dirawaliinta gaadiidka dowladda, kuwaasoo ku mutaystay sida ay u dayactiraan, una ilaaliyaan gaadiidka dowladda ee ay muddada dheer ku shaqaynayeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply