Wajaale (Dawan):-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar,ayaa sheegay in la wada yaqaano meelaha qaraxyada laga soo maleego isla markaana aanay Somaliland ka mid ahayn kuna jirin laguna sheegi karin.
Waxaanu raalli gelin ka siiyay qaranka Somaliland hadal uu hore u yidhi oo uu sheegay in si qaldan loo fasiray oo loo qaatay in Somaliland uu ku daray meelaha qaraxyada laga soo maleego,taasoo uu caddeeyay in aanay ku jirin Somaliland meelaha qaraxyada laga soo maleego isla markaana hadalkiisa meel joogsi ahayd oo haddii ay qoraal tahay kala caddaan lahayd la isku xidhiidhiyay.
Waxaa kale oo uu Somaliland ku ammaanay dhanka ganacsiga horumarka ay ka samaysay oo uu tilmaamay in ay kaga horrayso deegaankiisa loona baahan yahay in ay ganacsatada reer Somaliland in ay iska kaashadaan xoojinta ganacsiga labada dal.Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlayay socdaal marti qaad ah oo uu shalay ku yimi degmada Togwajaale ee Somaliland,ayuu yidhi. “aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta(shalay) la igu soo dhaweeyay Somaliland oo uu madaxweynaha Somaliland igu marti qaaday intii aan xilka qabtayna imika ayaa iigu horraysa Somaliland laakiin hore waan u iman jiray oo maaha meel ay imika iigu horrayso arrimo ganacsi iyo middalxiisba waan ku tegi jiray umana arko anigu guri labaad ee gurigaygii baan u arkaa,markaa aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in madaxweyne Muuse igu soo dhaweeyomagaalada Togwajaale oo dadku ay is dhex galaan shucuur walaalnimo oo wanaagsan ayaana ka muuqata iyo is dhexgalka dadka oo ah mid wanaagsan.”
Dawannews Hargeysa office