Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay,ayaa ku ammaanay xukuumadihii kala dambeeyay ee KULMIYE ee ay kala hoggaaminayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynaha xilkaqaranka hadda haya ee Muuse Biixi dedaalka iyo tacabka badan ee ay geliyeen wadadaBurco illaa Ceerigaabo.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay xildhibaanku in wadadaasi ay qaranka u leedahay muhiimad gaar ah isla markaana ay qayb wayn ka qaadanayso isku xidhka dalka gaar ahaan gobolada bari iyo galbeed.
Waxaanu tilmaamay in ay socdaal shaqoku tageen wadadaas isla markaana warbixin dhammaystiran ay ka siin doonaan golaha wakiilada.
Waxaanu xildhibaanku sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco waanu tagnay illaa Ceerigaabo waanu soconay hadaanu nahay Gudida ilaalinta iyo Dabogalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada golaha ayaanan ka jeediin doonaa warbixintii aanu ka soo diyaarinay wadadaa Ceerigaabo,waxaanan rejaynayaa in la dhamaystiro inta u hadhay waanan ku hambalyaynayaa Xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, labadaba ”.
Waxaanu intaa raaciyay in dhismaha waddadu uu meel wanaagsan marayo isla markaana uu rejaynayo in ay deg deg u dhammaan doonto.“Wadadaasi meel fiican ayay maraysaa Gaadhiga subaxdii ka soo baxa magaalada Ceerigaabo Toddobada habeenimo Hargaysa wuu yimaaadaa,waxaana sahlay in wadadaas la sameeyo dedaalkii ay sameeyeen Xukuumadihii kala dambeeyay ee KULMIYE waana waddo halbawla u ah qaranka iyo isku xidhka gobolada bari iyo gobola Galbeed ee dalka horumar ayaana samays maya marka wadadaa la dhamaystiro.”.
Dawannews Hargeysa office