Agaasimaha Guud ee Qorshaynta oo ka warbixiyay Go’aanka Komishanka Qorsheynta Qaranka

0
465

Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland iyada oo kaashanaysa hay’adaha kala duwan ee dalka waxa ay muddooyinkii u dambeeyey mashquul ku ahayd sidii ay u kala horraysiin lahayd hiigsiyadda horumarineed ee qaranka ee ku xardhan Qorshaha horumarinta Qaranka. Waxay ahayd hawl ka soo bilaabantay shirkii gollaha Wasiirrada ee qabsoomay 26/07/2018 ee lagu go’aamiyay hir gelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad.

“Kaddib go’aankii gollaha Wasiiradda, waxa ay wasaaradda qorshaynta qaranku bilawday hawsha mudnaan kala siinta Qorshaha horumarinta Qaranka iyada oo aannu kulan u qabanay Agaasimayaasha Guud ee dalka oo kaalin weyn ka qaatay mudnaan kala siinta qorshaha.

Kulanka Agaasimayaasha Guud kaddib, waxa aannu kulamo la qaadanahay waaxaha Farsamo ee dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka. Waxa aannu xog ururin ka samaynay dhamaan hay’adaha kala duwan ee dalka. Waxa sidoo kale aannu kooxo farsamo u dirnay dhamaan gobolada dalka si loo ogaado baahiyaha gaar ka ah ee gobol kastaa leeyahay” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee WQ&HQ, Mudane Cabdirashiid Ibrahim Sh. Cabdiraxman.

Agaasimaha Guud wuxuu intaasi ku daray “Kaddib markii Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Qaranku ay soo samaysay xog ururintaasi, waxaa ay kulan lagu goaaminayo mudnaanahaasi la yeelatay khubarada farsamo ee hay’adaha kala duwan ee dalka, khubaradaasi ayaa go’aamiyay mudnaanta Wadaagayaasha Qorshaha Horumarinta Qaranku uu ku salaysan yahay. Kaddib kulamadaasi guddiyada farsamada, waxa ay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku 22 kii December 23, 2018 ay kulan u qabatay Komishanka Qorsheynta Qaranka oo ka kooban Wasiiradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Beeraha, Arrimaha Guddaha, Xoolaha iyo Kaluumaysiga, Arrimaha Dibedda, Maaliyada iyo Maal-Gashiga, Gaadiidka iyo Duulista. Komishanku waxa uu si rasmi ah u ansixiyay Mudnaanihii ay u soo gudbisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranku ee ay hay’adaha dalku kala mudnaanta soo siiyeen, taasi oo ka dhigtay Mudnaanaha Qorshaha Horumarinta Qaranka mid sharci ah oo sal u noqon doonna barnaamijyada Horumarineed ee dalka laga hir gelin doonno”

Ujeedada loo sameeyey Kala Mudanaan siinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad waxa ahayd – Maadaama oo hiigsiyada QHQ2aad ay ahaayeen kuwo aad u balaadhan, waxa loo baahday in la kala jajabiyo oo mudnaan la kala siiyo, si hadba dalka looga hir geliyo mashaariicda Horumarineed ee dalku u baahan yahay ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku MD Cabdirashiid Ibrahim Sh. Cabdiraxmaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply