Somaliland oo Gaashaanka ku Dhufatay Isbahaysi laga Sameeyay Mandaqada

0
421

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Ammaanka xeebaha dalkeeda u dabo-fadhiisanaynin cid kale, waxaanay shaacisay in iskaashi kasta oo ay sameeyaan dalalka Gobolku aanu dhammaystirnayn haddii aanay Somaliland ku jirin.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, soo turjuntay, Waxaana Xukuumaddu ku caddeysay mowqifkeeda la xidhiidha isbahaysiga ay ku dhawaaqeen lix dal oo ka mid ah kuwa mandaqada Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaanu u qornaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah aag Istaraatiiji ah iyo marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin.

Somaliland waxay ku guulaystay in ay dhulkeeda iyo xeebaheeda ka ilaaliso Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso dal kale ilaalinta ammaanka xeebaheeda oo dhererkoodu yihiin 850km.

Somaliland waa dal madax-bannaan oo xor ah, heshiis kasta oo ay wada galaan dalalka gobolku oo Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya, waa khalad iyo wax aanay Somaliland aqbali karin.

Si kasta ha ahaatee, waxaanu sii waddaynaa iskaashi kasta oo gacan siinaya nabadgelyada iyo barwaaqada mandaqadda iyada oo aan wax loo dhimaynin xornimada dal kasta.”

Dawladda Sacuudiga ayaa dhawaan ku dhawaaqay in heshiis lagu gaadhay in ay isbahaysi samaystaan dalalka ku yaalla Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, sidaasna waxa 12-kii bishan ku warramay Telefishanka Dowladda Sucuudiga ee Al-Ekhabriya.

Waxa la sheegay in ururkan loogu talogalay in kor loogu qaado Arrimaha Ammaanka iyo horumarka dalalkaasi xulafoobey. Waxaana Ururkan xubno ka ah Sucuudiga, Masar, Urdun, Yeman, Suudaan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply