Chief Caaqil ka soo Goostay Jabhadda Caarre oo la soo Dhaweeyay

0
563

Ceerigaabo (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), taliyaha qabta booliska gobolka Sanaag, Cuqaal, Odayaal iyo waxgaradka gobolkaasi ayaa soo dhawyn ballaadhan u sameeyay Chief caaqil Maxamuud Nuux Maxamed ka soo goostay jabhadda uu hoggaamiyo Caarre oo uu ka soo goostay.

Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed ayaa sheegay in tabasho jirtay oo ay qabeen awgeed ay ugu tageen jabhaddaasi fadhigeedu yahay magaalada Qardho ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, balse kornayl Caarre uu majaro habaabiyay cabashadii ay qabeen isla markaana uu u soo toshay dirayskii iyo darajadii Soomaaliya.

Caaqilka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu waxaan ku tagay tabasho jirtay oo aan qabay, laakiin mushkiladdu waxay noqotay, tabashadii aanu halkan kaga tagnay mid ka daran ayaanu halkaas ugu tagnay, sababta oo ah annagu reer Somaliland baannu ahayn, haddana waanu nahay, inta aanu noolnahayna waanu ahaanaynaa, laakiin inaanu meel kale wax ula gudubno qorshahayaga may ahayn.”

Chief Caaqil Maxamuud waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ay kala kulmeen jabhadda Caarre ay ahayd in la majaro habaabiyay fikirkii ay wateen, isla markaana ay arkeen in meesha lagu maamulayo fikir Soomaaliya ah, waxaanu yidhi “Mushkiladda ugu daran ee nagu soo baxday isla markaana dib noo soo celisay waxay noqotay markii aanu u galnay oo dadkii aanu wada soconay qaar ka mid ahi ay hoosta ka waddeen Soomaaliya, isla ,markaana nalo soo xidhay darajadii Soomaaliya oo la damcay in nalagu maamulo, annana taas waanu diidnay oo waxaanu nidhi anagu reer Somaliland baanu nahay, tabashadayadiina Somaliland baanu kula noqonaynaa mar hadday Soomaaliya nala marayso.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply