“Wax Kasta Dawladdu Waxay Qaban Kartaa Marka Cashuurta La Bixiyo” Wasiir ku xigeenka Maaliyadda

0
492

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ballan qaaday in ay wax kasta oo dawladda looga baahan yahay ay qabanayso marka ay hesho cashuurta ganacsatada iyo dadweynaha Somaliland ku waajibtay ee ay si sax ah u bixiyaan oo ay dadweynaha dalku noqdaan cashuur bixiyeyaal wanaagsan.

Wasiiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed oo hadal uu ka jeediyay kulan wasaarada maaliyaddu la yeelatay Ganacsatada kala duwan ee dibedda wax ka soo waaridda, ayaa caddeeyay in xukuumaddu diyaar u tahay in lala xisaabtamo oo ay dalka ka hir geliso wax kasta oo dawlad looga baahan yahay, isaga oo intaa raaciyay in dawladduna ay u baahan tahay in cashuurta ganacsatada iyo dadweynaha ku waajibtay in ay si wanaagsan isaga bixiyaan.

Wasiirka oo arrimhaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Dalkeenu waxyaabo badan ayuu u baahanyahay haddii aydaan amni haysan waxaynu u baahannay waddooyin waxbarasho iyo caafimaad biyo waxaanay qaban kartaa dawladdu waxaasoo dhan marka cashuurta la bixiyo,marka cashuurta la bixiyo ayaa lala xisaabtami karaa dawladda, mushaharka ay qataan askarta ee aan ku shaqayno ganacsatada ayaa bixisa lacagtiina ayaa mushaharka lagu siiyaa wasaaradaha,”.

Wasiirka,ayaa u ballan qaaday ganacsatada in aanay dhici doonin kana iman doonin dhanka Xukuumadda in cashuur aanay ogayn in ay dhusha kaga keeni doonaan,waxaanu yidhi. “dhici mayso nin Ganacsade ah oo leh cashuurtii ayaa layga qaadi waayay oo askari ayaa celiya,wasaaradna mashaqayn karto haddaanay ganacsato cashuurta bixin adduunyada waxa laysku xukumaa waa dhaqaale Go’aamada wasaaradda maaliyaddu qaadanayso ee cashuurta lagu kordhinayo ee lagu dhimayo ganacsatada waanu ka qayb galinaynaa,noqon mayso in wax dusha laydin kaga keeno,laakiin waxaas oo dhami goormay dhacayaan marka aanu ku qanacno in aad diyaar u tihiin in cashuurta idinku waajibtay aad bixisaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply