“Agaasimaha Guud Waa Shaqaale Waana ka Mamnuuc in uu Siyaasadda Gallo”

0
431

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha dawladda kulan uga furay hudheelka Royal Place oo ku yaalla dhinaca galbeed ee magaaladda Hargaysa.

Kulan oo socon doonna muddo laba maalmood ah ayaa u jeedadiisu tahay sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqada dawladda iyo habaynta shaqaalaha dawladda, iyada oo muddada uu socdo lagu gorfayn doonno caqabadaha agaasimeyaasha guud ka hor yimaadda iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Sidoo kale kulan hawleedkaasi inta uu socdo waxaa la iskula eegi doonaa siyaasadaha xukuumadda ee hadda lagu hawl gallo, curinta siyaasaddo cusub iyo arrimo kale oo la xidhiidha hufnaanta shaqadda iyo adeegyadda kala gedisan ee ay hay’adaha dawladdu bulshadda u hayaan.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay dhamaanba agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha iyo hay’adaha dawladda, agaasimaha madaxtooyadda Somaliland, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, wasiirkii hore ee madaxtooyadda ee xukuumaddii Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Iyada oo agaasimeyaasha guud mudadda uu shirkaasi uu socdo ay casharrada siin doonaan macalimiin aqoon iyo khibrad u leh hawlaha maamulka dawliga ah, isla markaana fikrado ka haysta baahiyaha ka dhex jira wasaarradaha dawladda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyay furitaanka shir hawleedkaasi ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda ay dawladnimadda u leedahay shaqadda agaasimeyaasha guud, taas oo uu ku tilmaamay Tiir-dhexaadka dawladda.

“Marka koowaad, waa in aan isla fahamno agaasimeyaasha guud shaqadoodu waxay tahay. Sababta oo ah had iyo jeer waxay dhibaatadu u dhacdaa, qofka waa la magacaabaa, lama na siiyo shaqo cayiman (Term of reference). Waxaana laga yaabaa in qofkii isaga oo karti badan oo aqoon badan, in aanu shaqadda iyo waxa laga doonaya ba garanaynin. Dabadeed na, uu meel kale garaaco, dabadeed na uu yimaado khilaaf u dhexeeya isaga iyo wasiirka.

Agaasimaha guud waa shaqaale dawladeed. Siyaasadda xeerka shaqaalaha dawladda iyo xeerka doorashooyinka labadu-ba way ka mamnuuceen agaasimaha guud iyo Jananka ciidamadda, danjiraha iyo shaqaalaha dawladda ee saraakiisha sar sare ah, siyaasadda in ay galaan.

Laakiin, 20-kii sannadood ee u danbeeyay waxaa dhaqan inoo noqotay, agaasimaha guud in dad badani ay u qaataan in talladoodda koowaad ay noqoto in uu xagga siyaasadda dawladda uu ku jiro soo taageerro.

Balse hawlaha dadka la shiri doodda, xidhiidhka dadweynaha iyo qancintooda-ba, taas xisbiga ayaa u qaabilsan, oo dawladu xisbi ayay ka timid. Markaa waxaynu u baahan nahay in xisbiguna uu qabto siyaasadii iyo abaabulkii, dawladu-na ay noqoto fuliye dadka gaadhsiiya adeegyadda ay u baahan yihiin”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in agaasimeyaasha guud ay yihiin kuwa fuliya siyaasadaha hadba xukuumadda jirta, isla markaana ay shaqadoodu tahay sidii ay bulshadda u gaadhsiin lahaayeen adeegyo hufan.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Agaasimaha guud ama xoghayaha joogtadda ah siday dawladaha qaar u yaqaanaan, waa dawladda lafteedda. Xukuumad haddii aad maqasho, waa agaasimaha guud iyo wixii ka hooseeya. Wasiirku waa meerto, madaxweynuhu-na waa meerto. Shan sanno ayay joogaan, qorshe ayay dejiyaan, qorshahaas ayaana laga rabaa in ay fuliyaan.

Laakiin, ilaa maalintii dawladnimadda la bilaabay, madaxweyneyaashii dalka isaga kala danbeeyay qorsheyaashii ay dhigeen cida fulinaysa, ee dadka in ay gaadhsiiso laga rabaa waa agaasimaha guud iyo waaxyaha la shaqeeya. Sidaas darteed ayaa loo yidhaahdaa agaasimaha guud waa Tiir-dhexaadka dawladda, haddii ay iyagu xumaadaa-na ma soconayso dawladu”.

Geesta kale agaasimaha ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille, oo isna kulankaasi ahdal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay u jeedadda kulan hawleedkaasi iyo waxyaabaha mudadda uu socda diirrada lagu saari doono.

Waxaanu yidhi “Kulan hawleedkan waxaa lagu gorfaynayaa sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqadda dawladda iyo habaynta shaqaalaha dawladda. Agaasimaha guud waa halka isku xidha dawladnimadda iyo shaqadda. Waana halka maamulka dawladnimadu ka shaqeeyo, ee kaga shaqaysiisa Mishiinka intiisa kale ee ah shaqaalaha dawladda.

Sidaas darteed, waxaa loo arkay in ay muhiin tahay in la isku yimaado, oo khibrad iyo fikrad la is-waydaarsado, in dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira laftigoodda la wadaago. Waxaa la eegi doonaa siyasadaha jira, waxaa la eegi doonaa caqabadaha agaasimeyaasha guud ka hor yimaadda, oo qaarkood la doonayaba in aad idinku xalisaan”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply