Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo soo kormeeray mashaariic horumarineed oo xukuumaddu ka waddo gobolka Saaxil

0
401

Berbera (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal shaqo ku maraya qaar ka mid ah gobolada dalka, ayaa kormeeray mashaariicda GPLG-ga ee dawladda hoose ee degmada Berbera ay ka hir gelisay magaaladaas.

Madaxweyne ku xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayo oo maalmihiiu dambeeyay socdaal shaqo ku soo gaalaa bixiyay gobolada Daad Madheedh, Togdheer iyo Saaxil, ayuu madaxweyne ku xigeenka qaranku ku ammaanay madaxda dawladda hoose ee degmada Berbera sida ay uga faa’iidaysteen mashruuca GPLG-ga iyo maamul-daadejinta waxna ugu qabteen degmada ay madaxda ka yihiin.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray mudane Saylici in degmooyinka kale ee dalka looga baahan yahay in ay ku daydaan maayerka iyo madaxda kale ee dawladda hoose ee Berbera oo ka soo baxay xilkii qaran ee degmada ka saarnaa kuna mutaystay shahaado sharaf in lagu siiyo.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay kormeerka uu ku sameeyay mashaariicda laga hir geliyay degmada Berbera ee ay fulisay dawladda hoose, ayaa yidhi “Maanta (shalay) waxaan kormeeray mashaariic farabadan oo la qabtay degmada Berbera, runtiina waa wax lagu farxo, waanan bogaadinayaa maayerka iyo dawladda hoose ba, waxaanan kula dardaarmayaa dagmooyinka kale ee dalka inay sidda Berbera oo kale noqdaan, shahaado ayuu ku mutaystay waxbaqadka maayerka berbera waana hambalyaynaynaa, waxaan jecelahay inaad dar-dar gelisaan waxqabadkiina, muhiim maaha in lacag badani idin soo gasho laakiin muhiimadu waa inaad tayaysan tihiin, inaad isla-xisaabtan leedihiin, inaad isku-xidhnaansho leedihiin, cidda ALLE xoolo siinayana dadkeeda ayuu siiyaa, Berbera waxaan leeyahay dadkeeduu ayuu ALLE siiyay waanay ka dhabeyeen in Berbera ay ka horumarto dhammaan degmooyinka kale oo dhan.” ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Sayici.

Waxaa dhankooda Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa warbixino kala duwan ka siiyay mashaariicda ay degmada ka hir geliyeen madaxda waaxyaha kala duwan ee dawladda hoose ee degmada iyo Maayerkadegmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Ciddin oo dhammaantood ka war bixiyay mashaariicda GPLG-ga iyo siday uga faa’iidasyteen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply