Hargeysa: Booyadaha Biyaha ka Dhaamiya Balliyada oo loo Digay

0
431

Hargeysa (Dawan)- Qaar ka mid ah booyadaha ka shaqeeya gudaha caasimadda Hargeysa, ayaa la sheegay in ay biyaha ka soo dhaamiyaan Balliga xaafadda Daammi ee isla magaalada Hargeysa.

Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa digniin u diray booyadahaasi, waxaanu sheegay in booyaddii lagu helo in ay dhaamkaasi biyo ka keenta oo cabitaan ahaan u isticmaasha ay sharciga horgeyn doonaan, isla markaana ay wadaan qorshe ay ku dabagelayaan booyadaasi.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay dhalinyaro ku hubaysan middiyo iyo faashah oo isu laaya kooxo kooxo, waxaanu tilmaamay in kooxahaasi ay sharciga la tiigsan doonaan, waxaanu sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa.

Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed isaga oo arrimahaasi warbaahinta la wadaagaya waxa uu yidhi “Biyaha balliga Daammi ku jiraa waa biyo wasakheysan, in ay meelaha dhismayaashu ka socdaan ay ka iibiyaan, waananu dabagaleynaa, haddii ay biyahaasi iibiyaanna waa denbi, sharcigana waanu horgeyn doonnaa.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, amar ayuu ka soo saaray, kaas oo ah in la baabiiyo Dhaamkaasi, hawsheedana waa lagu jiraa sidii dhaamkaasi meesha looga saari lahaa, oo dhibaatooyin ayaa ka dhacay haddii ay biyahaasi iibiyaanna waanu ogaaneynaa oo waannu dabagaleyna”

Dhanka kale guddoomiye Jaamac oo ka hadlayay dhalinyarada kooxaha ah ee habeenkii dhibaatada ka geysta gudaha magaalada Hargeysa, ayaa yidhi “Dhalinyaradaasi kooxaha isu laaya ee faashashka iyo middiyaha sita, way jireen muddooyinkan danbe, booliskuna waa ay la tacaalayaan, anaguna waanu la shaqeynaa.

Booliska iyo maamulka gobolkuba hawshaas way ku dhex jiraan, ciddii waantoobi weydana sharciga ayaa la horkeenayaa.”

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex waxa uu farriin u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaasi dhibaatada ka geysta magaalada, waxaanu yidhi “Farriinta aannu u dirayno ubadka iyo waalidka ba, waxa weeye, in dhalinyaradu arrintaasi ay ka waantoobaan, waalidkuna ka waaniyo tallaabadaas waxyeelaysa dhalinyaradda mustaqbalkooda iyo ayaahooda ba, waana dhaqan xumo inagaga timid dibedda, waalidkana waxaanu leenahay ubadkiina ogaada. Waxa jira ubad faro badan oo waalidku moodayaan in ay waxbarasho ugu maqan yihiin, laakiin ku maqan meelo kale oo naftooda halis ku ah.”

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply