“Markii aan Arkay Waxqabadka Madaxweyne Muuse Ayaan u soo Hiloobay Dalkayga” Gamaal Baaxad

0
453

Hargaysa (Dawan) Sarkaal Jamaal Ducaale Baaxad (Gamaal) oo dhawaan ka soo digo-rogtay Maleeshiayda Caarre ee ku sugan deegaanka Qardho ee Puntland, ayaa tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay wax weyn ka qabatay tabashaddii ay qabeen qaar ka mid ah bulshada Somaliland, taasina ay tahay sababnta uu dalkiisa hooyo dib ugu soo noqday.

Jamaal Ducaale Baaxad oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa waxa uu caddeeyay in uu ku degdegay go’aankii uu qaatay ee ku biirista Maleeshiyaadka Caarre, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in fikirkaasi ahaa mid khaldan.

Jamaal Ducaale Baaxad oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan halkan ka caddaynayaa in aan u soo noqday dalkaygii, oo aan u soo hiloobay. Waxaannu go’aansanay aniga iyo ciidan kaygii ila socday in aanu dalkayagii ku soo noqono.”

Gamaal Baaxad waxa uu sheegay in xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay wax badan ka qabatay tabashooyinkii ay hore u qabeen, taasina ay tahay sababta uu dalka dib ugu soo laabto, waxaanu yidhi “Aniga oo ah Gamaal Ducaale Maxamed, wakhti bandanna ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland oo aan muddo badan u soo shaqeeyay, illaa halgankiina ku soo jiray, waxaan si rasmi ah u caddaynayaa in aan ku soo noqday dalkaygii.

Markii aan arkay Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo wax badan ka qabatay waxyaabihii ka jiray gobolka Sanaag, ayaan u soo hiloobay dalkaygii, markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi talada qabsaday, markaas ayaan go’aansaday in aan qarankayga dib ugu soo noqdo oo aanu shaqeeyo qarankayga.

Sidaa darteed, waxaan leeyahay madaxweynaha iyo jananka ciidanka qarankaba in nalaga saamaxo wixii khalad hore aanu samaynay, go’aankaasi waan ku degdegay, aniga ayaana khaladkaas lahaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply