Xukuumada Somaliland oo Gobolada Dalka ka Hir-gelisay Xarumo Lgu Baadhayo Caafimaadka Xoolaha

0
453

Burco (Dawan): Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay Baddaha Somaliland ka mamnuuceen kalluumaysiga sharci darradda ah si bulshadoodda ay u baraan cunista kalluunka.

Waxa kaloo uu wasiirku sheegay goboladda dalkoo dhan ka hirgeliyeen xarumo lagu baadho caafimaadka xoolaha oo casri ah, isla markaana ay doonayaan xoolo dhaqashadda laga dhigo mid casriyaysan.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu dhagax dhigayay shaybaadhka caafimaadka xoolaha oo laga hirgelin doono magaaladda Burco. “Shaybaadhka aanu goobtan ka dhisaynaa waa mid casriya. Dhismaha xaruntana waxaanu ka bixinaynaa miisaaniyadda wasaaradda xannaanada xoolaha.

Suuqii kalluunka ayaanu hore Burco uga samaynay, waxaanu xoojinayna mashruucii banka Arroori, dhammaan gobolada dalka na waxaanu ku baahinaynaa mashruucan oo kale.

Waxaanu qaboojiyeyaal dhanka Kalluunka ah dhignay Bullo-xaar, Berbera, Saylac iyo Laasahuri Weyn oo ka tirsan gobolka Sanaag. Xiis iyo Maydh, iyo Laasqorey, intaasiba waxaanu dhignay Baraf dhaliyeyaal iyo qaboojiyeyaal”ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu goobtan maanta (shalay) ka dhagax dhigaynaa, shaybaadhka xanaanadda xoolaha ee gobolka Togdheer, oo laga dhisayo magaaladda Burco. Taasoo qayb ka ah shaybaadhyo fara badan oo aanu sanadkan dhammaadka ah dalka gudihiisa ka hirgalinay.

Waxaa noo qorshaysan oo diyaar ah shaybaadhka xanaanadda xoolaha ee Laascaanood, waxaa socda mid Berbera ah, waxaa dhamaystirmay ka Gabiley. Waxaa kale ooo dhamaystirmay kii Boorama, waxaa dhamaystirmay mid Wajaale ah, gobolka Sanaag-na sanadkan inagu soo fool leh ayaanu isna dhagax dhigaynaa”.

Geesta kale wasiirka xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland waxa uu sheegay in goboladda dalka ay ka samaynayaan qaboojiyeyaasha lagu kaydiyo kalluunka, waxaanu yidhi “Waxaanu degmooyinka yaryar u qaybinaynaa shaqaale ka tirsan wasaaradda xanaanadda xoolaha oo ka soo baxay jaamacadda dalka, si aan markasta magaalada weyn loogu xidhmin.

Gobolka Todheer degmooyinkiisa bari ilaa galbeed, hawd iyo waqooyigeedaba dhakhaatiir dhanka xoolaha ah ayaanu u qorshaynay, si ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan xoolaha ku dhaqan gobolka Togdheer iyo degmooyinka hoos yimaada.

Guud ahaan goboladda Somaliland way ka siman yihiin, waana markii ugu horaysay ee aanu gayno shaqaale noocan oo kale ah” .

Waxaanu intaas ku daray “Maadaama ay abaarruhu soo noqnoqdeen, sababaha aanu Badda u ilaalinayno ee aanu u joojinay Liisamadii dadka ajaanibka ah ay isaga guran jireen kalluunka.

Waxaynu xoogga saari doona sidii hilibka Kalluunka loo isticmaali lahaa. Waxaynu hanti haysanaan-na waa Baddeena.

Markaa in aynu labada ba wadno, oo dadka na ku dhiirigilano sidii ay xoolaha u dhaqan jireen inay wax ka bedelaaan, xagga Badda na la isticmaalo manaafacaadkeeda”ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply