Gudidda Qandaraasyada oo shaaciyey Cidda ku Guuleystay Dugsiyo Xukuumaddu ka Dhisayso Laascaanood iyo Burco

0
446

Hargeysa (Dawan):- Guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa shaaciyey dugsiyo xukuumaddu ka dhisayso magaalooyinka Laascaanood iyo Burco ee gobolada Sool iyo Togdheer shirkadaha ku guulaystay dhismeyaashooda.

Guddoomiyaha guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay magacyadda shirkaddaha ku guuleystay bineynta iyo dayactirka dugsiyaddaasi.

Guddoomiyaha guddida qandaraasyadda qaranka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Haddaan ku horreeyo iskuulka laga dhisayo degmadda Laascaanood afar shirkadood ayaa u soo tartamay waxaana short list-ka ku soo baxay shirkadda dhismaha ee Daryeel, iyo shirkadda dhismaha ee Umal, waxaana bineynta dugsiga ku guuleysatay shirkadda dhismaha ee Daryeel”

Nuux Maxamed Xuseen guddoomiyaha guddida qandaraasyadda qaranku isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaa ku daray “Dugsiga Sheekh Ibraahim ee degmadda Burco ee dib u habeynta lagu sameynayo waxaa iyana u tartamay afar shirkadood waxaana short liskii soo galey ISRT, UMAL, iyo Guri-barwaaqo, waxaana nasiib u heshay dib u habeynta iyo dayactirka dugsigaasi shirkadda dhismaha ee ISRT”

Ugu danbeyn gudoomiye Nuux waxaa uu farta ku fiiqay shirkadda ku guuleystay bineynta dugsiga Togdheer ee magaalada Burco waxaanu yidhi “Dugsiga Togdheer ee degmadda Burco waxaa u soo tartamay laba shirkadood Goljano iyo Guri-barwaaqo, waxaana nasiib u heshay shirkadda dhismaha ee Goljano, wixii dood iyo cabasho qabana diyaar ayay u yihiin gudida qandaraasyadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Markii guddoomiyaha gudida qandaraasyada qaranku uu ku dhawaaqay shirkadaha ku guulaystay dhismeyaasha iyo dayactirka dugsiyadaas, ayaa waxaa iyaguna ka hadlay masuuliyiin u hadlay shirkkadaha tartanka ka qayb galay,oo sheegay in ay ku qanacsan yihiin hannaanka tartanku u dhacay,waxaana hadaladoodii ka mid ahaa.“Aad iyo aad ayaanu ugu qanacsanahay sida wanaagsan ee ay gudida qandaraasyadda qaranku marka hore ay tartankan noogu soo bandhigeen imikana u shaaciyeen ciddii nasiibku siiyayna waanu soo dhaweyneynaa, gudidani waa mid hawlaheeda sidii loogu talo galay u wadda qandaraasleyaal ahaanna waanu ku qanacsanahay, sida wanaagsan ee ay shaqada u wadaan taas ayaana nagu soo celcelineysa in aanu qandaraasyadda ka qayb galo hadaanu weynana samirkii waanu ku baranay iyo wixii calaf lagu leeyahay in la sugo in aanu guuleysanana aad ayaanu ugu faraxsanahay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply