Kulan Lagu Gorfaynayay Mashaariicda ay Hay’adaha Islaamiga ahi Dalka Ka Fuliyeen oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
463

Hargaysa (Dawan): Kulanka sanadle ah oo ay isugu yimaadaan hay’adaha dawladda ee Somaliland iyo hay’adaha samafalka ka shaqeeya ee islaamiga ah ayaa shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaana kulankan soo qaban qaabisay wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland iyo dallada ay ku midoobeen ururrada samafalka aan dawliga ahayn ee islaamiga ah.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay wasiirrada wasaaradaha qorshaynta, degaanka, shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta, guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barakaceyaasha.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda diiwaanka Zekadda Somaliland, agaasimeyaal guud, agaasime waaxeedyadda wasaarradaha ka tirsan iyo masuuliyiin kale oo hay’adaha samafalka ka socday.

Cawaale Ibraahin Shirwac, wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland oo kulanka si rasmiya u daahfuray ayaa ka warbixiyay hawlaha shaqo ee ay dalka ka fuliyaan hay’adaha islaamiga ah iyo muhiimadda ay leeyihiin.

Waxaanu wasiir Shirwac ku amaanay hay’adaha islaamiga ah mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka qabtaan.

Waxaanu yidhi “Hay’adaha dalka ka hawl galla, nooc kastaba ha ahaadaan’e ee wadanka ka fuliya mashaariico horumarineed iyo arrimaha bani’aadanimadaba, waxaa ka dhexeeya xidhiidh isku dhaw. Waxaa naga go’an in aanu wax qabano.

Waxaa naga go’an in aanu sidii dad muwaadiniin ah idiinla shaqayno, waanan wada shaqayn doonaa. Aad baan idiinkaga mahad naqayaa, waxyaabaha aad dalka ka qabataan”.

Guddoomiyaha dalladda ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee islaamiga ah Khadar Xuseen Aadan, oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in shirkani ay ku soo bandhigayeen waxyaabihii ay hay’adaha islaamiga ah sanadkan sii dhamaanaya dalka ka fuliyeen.

“Shirkan oo aan ku soo bandhigayno sanadkan 2018-ka waxyaabihii aanu dalka qabanay, oo aan sidoo kale isku fahmayno wasaaradda qorshaynta qaranka iyo dhamaanba hay’adaha dawliga ah, ee shaqooyinka ay hay’aduhu qabtaan khuseeyaan, cidii ka soo shaqaysay aad iyo aad ayay ugu mahadsan yihiin” ayuu yidhi Khadar Xuseen Aadan.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Cabdirashiid Ibrahim Sh. Cabdiraxman, ayaa uga mahad celiyay ka soo qayb galeyaashii kulanka in ay yimaadaan shirkaasi. Waxaanu tilmaamay in shirkaasi lagu gorfaynayay hawlaha ay dalka ka hayaan hay’adaha islaamiga ah.

Waxaanu sheegay in hay’adaha islaamiga ah ay dalka wadaan mashaariic badan oo qiimo leh. Kuwaasoo la xidhiidha arrimaha waxbarashadda, arrimaha bulshadda iyo mashaariic kaloo horumarineed.

Waxa kaloo iyagna halkaas hadal ka soo jeediyay wasiirrada shaqadda iyo arrimaha bulshadda, degaanka iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo dhamaantoodba hay’adaha islaamiga ah ku amaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaataan mashaariicda horumarineed ee dalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply