Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Solja oo Isla Qaatay Qabsoomidda Shir Maanta Warbaahinta u Furmaya

0
554

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo) iyo Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa wada jir ugu dhawaaqay, una sheegay in wasaaradda warfaafinta iyo Solja ay isla qaateen in uu maanta furmo shir weynaha saxaafadda Somaliland oo noqonaya shir weynihii ugu horreeyay ee noociisa ah ee warbaahinta Somaliland loo qabto.

Shirkan oo wasaaradda warfaafintu ku dhawaaqday, ayay markii hore ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja sheegeen in aanay ka qayb gelayn, laakiin kulan ay shalay isugu yimaadeen madaxda wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta iyo hoggaanka Solja, ayay wada jir ugu dhawaaqeen in labada dhinac isku raaceen in shirkaasi uu maanta furmo, lagana wada shaqeeyo danta saxaafadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo ka hadlayay kulanka ay wada yeesheen hoggaanka Solja iyo sida ay uga go’antahay ka wasaarad ahaan in saxaafadda Somaliland la horumariyo oo kor loo qaado, ayaa yidhi. “Waxaa jirtay tabasho saxaafadda madaxa bannaani ay ka muujisay shirweynahan ka furmaya magaalada Hargeysa oo ah shirweynihii ugu horreeyay ee jaadkiisa ah ee ay yeelato warbaahinta jamhuuriyadda Somaliland 27-ka sanno ee qaranku jiray, markii aanu is xog warsanay waxaanu go’aaminay oo aanu islagaranay in aanaan kala socon ee aanu dhinac uun u wada jeedno oo aanaan kala jeedin, gaar markii aanu isu sii warsanayna waxay noqotay in laga hadlo tabashadoodiina wax laga qabto, wixii ay sheeganayaan ee hadhawto ka soo baxa shirkaana in dawladdana la isula tago wixii ay wasaaraddu wax ka qaban kartona ay ka qabato,wax la hagranayaana aanay jirin ee marnaba wasaarad ahaan iyo dawlad ahaan toona aan wixii awooddeena ah aan la dhaafi karin.”

Wasiir Cabdiraxmaan Guri barwaaqo oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay in warbaahintu wixii ay xaq u leedahay in aan marnaba laga duudsiyayn isla markaana wixii waajib loogu leeyahanayna aan laga daynayn,waxaanu yidhi. “ markaa wixii ay xaq u leeyihiinna aanay cidi ka duudsiyayn wixii xaq loogu leeyahay aanay cid ka daynayn,sidaa darteed waxaanu go’aan sannay in shirwaynahaana wada jir looga wada qayb galo, dalka iyo dadkana annagoo dhinac u wada jeedayna doonaynana annagoo ku oo gunaanadayna haddii la odhan jiray ama ay jiri jirtay in la yidhaahdo wasaaradda iyo saxaafadda ayaa madaxa iskula jira in taasi ay soo dhammaato berri (maanta) laga bilaabo in aanu noqonayno dad meel u wada jeeda isku ujeedo ah,warbaahinta la horumarinayaana ay taayadii tahay toodii tahay teennii tahay,” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland.

Waxaa kale oo isna shir saxaafadeedkaa ka hadlay guddoomiyaha Solja oo sheegay in ay isku raaceen waaaradda in ay wada jir uga wada qayb galaan shirka warbaahinta Somaliland maanta u furmaya kana hehiiyeen wasaaradda tuhunadii shirka ay ka qabeen iyo in tabashadoodii wasaaraddu wax ka qabatay, waxaanu yidhi. “Waxaanu ka wada hadlaynay waxay ahayd arrintii shirka ee wasaaraddu ay qabanaysay oo Solja ay dalbatay in la caddeeyo ajendeyaashiisa, markaa waxaanu ka wada hadalnay,waxaanu isla garanay in shirkii beerito(maanta) furmayay ee wasaaraddu soo qaban qaabisayna in laga wada qayb galo hadday SSolja tahay iyo hadday waaaradda tahayba iyo hadday cid kasta oo saxaafadda wax u tari kartaba ay tahay,waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay tabashooyin ay saxaafaddu qabtay iyo sidii wax looga qaban lahaa kuwaas oo ay ka mid tahay cashuurtii wasaaraddu soo rogtay iyo arrinta dhulkii Solja iyo tabashooyin kale oo saxaadaddu ay qabtay,waanan isku raacnay in shirkii berry(maanta uu furmo) wada jirna looga wada qayb galo tabashadayadiina la dhegaysto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply