Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne ku dhaqan-geliyey shalay oo ay taariikhdu ahady 02.01.2019 Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka.
Wareegtada madaxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan ayaa u dhignayd sidan:
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-38/826/2018, ee ku taariikheysan 30/12/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka;
Waxaan soo-saaray;
Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH/= 2,334,320,463,251 (Laba Tirilyan, Saddex Boqol Afar iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol Labaatan Milyan, Afar Boqol Saddex iyo Lixdan Kun, Laba Boqol Kow iyo Konton Shillin Somaliland ah).”
Dawannews Hargeysa office