Madaweynaha Somaliland oo Qaabilay Wasiirka Difaaca Dalka UK oo Booqasho Rasmiya ku yimi Hargeysa

0
793

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Gavin William.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka gaashaandhigga Ingiriiska oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dhex mara madaxweyne Somaliland ah iyo wasiir difaac oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa qaatay saacado badan, isla markaana lagaga wada hadlay xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dalal iyo sii xoojiniisa.

Waxa kale oo laga wada hadlay xidhiidhka difaac ee Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa. Kulankaas oo ku soo dhammaaday guul iyo is faham.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland oo kulanka labada dhinac lagaga wada hadlay ayaa u dhignaa sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska Mudane Gavin William oo Somaliland booqasho rasmi ah ku yimi.

Kulankaas oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay 1960-kii, iyada oo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horreeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankaa ku wehelinayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Gashaandhigga Eng. Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska Danjire Ayaan Maxamuud Cashuur.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply