Xukuumada oo Faahfaahisay Socdaalkii Xoghayaha Difaaca Dawladda Ingriiska

0
1053

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) ayaa shir jaraayid oo uu ku qabtay xafiiskiisa faahfaahin kaga bixiyey imaatinka xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo maalintii dorraad dalka soo gaadhay kaasi oo la kulmay wasiirka gaashaandhiga, madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madax kale oo ka mid ah Xukuumada.

Wasiirka ayaa ka warbixiyey imaatinka Xoghayaha kaasi oo uu ku sheegay in ay tahay guul Somaliland u soo hoyatay oo ay tahay in aad loo soo dhaweeyo in markii ugu horraysay uu dalka yimaado masuul meeqaam kaas leh oo ka socda dawlada Ingriiska waxaanu sheegay in ka xukuumad ahaan ay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka shaqaynaysa horumarka Somaliland.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ‘’Waxaynu u ballan sanayn in aan ka war bixiyo booqashadii shalay ee xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska, waxa uu nagu soo booqday Somaliland waxay ahayd booqasho taariikh ah, booqashadaa Xoghayuhu waxay muujinaysaa muhiimada iyo danaynta ay dawlada Ingriisku Somaliland u hayaan”

Wasiir Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) waxa kale oo uu sheegay wax yaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen wasiirka difaaca dawladda Ingiriiska, arrimahaasi oo uu tilmaamay in ay ugu muhiimsanaayeen in la xoojiyo wada shaqaynta labada dawladood iyo sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha ammaanka ee mandaqada ee uu taageerada weyn ka geysato dawlada Ingriisku, waxaanu yidhi ‘’Imaatinka Xoghayuhu waxay ka turjumaysaa marka koobaad, sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingriiska, arimaha amniga ee gobolka oo baryihii u danbeeyey isbadalada aad la socotaan ka dhacayeen iyo joogtaynta cilaaqaadka labada dal, khaasatan ka wasaarad ahaan wakhti badan ayaanu wada qaadanay wax yaabo badan oo muhiim ah ayaanu ka wada hadalnay’’.

Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo dalka booqasho rasmi ah ku yimi ayaa ah masuulkii ugu ugu cuslaa ee abid soo gaadha dawlada Somaliland kaasi oo ka turjumaya xaalka iyo horumarka Somaliland ay mudooyinkii u danbeeyey ku talaabsanaysay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply