Abwaan ka Geeriyooday Kooxda Ciidanka Qaranka ee Gaashaan

0
792

Hargeysa (Dawan):- ALLE ha u naxariistee waxaa shalay magaalada Hargeysa lagu aasay Abwaan Jaamac Cabdillaahi Ismaaciil (Jaamac Dhuux) oo habeen hore ku geeriyoday cisbitaalka guud ee Hargeysa.

ALLE ha u naxariistee Abwaan Jaamac, ayaa ka mid ahaa foolaadka hal abuurka Somaliland, gaar ahaan suugaanta waddaniga iyo wacyi gelinta ah, waxaanu ka mid ahaa abwaanada kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan oo uu ka tirsanaa isaga oo ahaa sarkaal ku xigeen ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, gaar ahaan hoggaanka wacyi gelinta, ahaana mid ka mid ah abwaannada kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan.

ALLE ha u naxariistee abwaan Jaamac ayaa intii aanau xannuun faaliga ah oo ku soo booday aanu u soo dhicin wuxuu ka mid ahaa abwaanada xilligan ku hawlan diyaarinta riwaayad ay kooxda ciidanak qaranka ee gaashaan ugu talo galeen debbaal degga maalinta dhalashada ciidanka qaranka oo foodda innagu soo haysa.

ALLE ha u naxariistee Abwaan Jaamac ayaa ifka kaga tegay xaas iyo 7 carruur ah oo isugu jira wiilal iyo Hablo.

Dhammaan kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan iyo guud ahaan ciidanka qaranka waxaan ka tacsiyaynaynaa Geerida Abwaanka ka baxay ALLE samir iyo iimaan ha ka siiyo dhammaan intii uu ka baxay, Marxuumkana ALLE ha u naxariisto.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply