Golaha Guurtida oo Fadhi Aan Caadi Ahayn Maanta Yeelanaya

0
695

Hargaysa (Dawan):- Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta isugu imanaya fadhi aan caadi ahayn oo ay kaga hadli doonaan dib u dhaca ku yimi doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo goleyaasha deegaanka oo u muddaysnaa in ay qabsoomaan bisha saddexaad ee sannadkan, balse ay guddiga doorashooyinku caddeeyeen arrimo farsamo iyo dhaqaale darteed in aanay suura gal ahayn in ay ku qabsoomaan xilligii u qorshaysnaa.

Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku wargalinayo mudaneyaasha golaha guurtida inay isugu yimaadaan kal fadhi aan caadi ahayn, waxaanu intaa ku daray fadhiga ay yeelan doonaan mudanayaasha golaha guurtida in lagaga hadli doono arimo muhiim u ah qaranka.

Cabdinaasir Beegsi oo arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Golaha Guurtida u soo gudbiyay soona gaadhsiiyay warqad qaranka muhiim u ah, sidaa darteed waxaa shir guddoonka golaha guurtida ka soo baxay qoraal ah in mudaneyaasha golaha guurtida kal fadhi aan caadi ahayn in ay isugu yimaadaan maalinta Sabtida (maanta) kalfadhigaas oo lagu soo qaadi doono arimo muhiim u ah qaranka Somaliland.

Warqada madaxweyanahana waxa laga akhriyi doonaa u jeedada ay xambaarsantahay marka kalfadhigu furmo. Annaga oo raacayna Distuurka dalka u yaalla, waxaa laga codsanayaa mudaneyaasha golaha Guurtida in ay kal fadhigaas ka soo qayb galaan.”

Dhinaca kale Markii guddida doorashooyinku ay qoraal rasmi ah u soo gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ku caddaynayaan in doorashooyinku ay dib uga dhacayaan xilligii loogu talo galay, ayuu Madaxweynaha qaranka oo waajibaadkiisa gudanayaa waxaa uu qoraal u diray shir guddoonka golaha guurtida, qoraalkaas oo uu kaga dalbanayo in ay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan dib u dhaca farsamo ee ku yimi doorashooyinkii wakiilada iyo goleyaasha deegaanka oo arrimo farsamo darteed u dib u dhac uu ku yimi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply