Taliska Booliska oo Bulshada Uga Digay in Iyaga iyo Ciidanka la is Nacsiiyo

0
856

Hargaysa (Dawan):- Taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland, ayaa bulshada uga digay in loo kala sheekeeyo dadweynaha iyo ciidankooda ammaanka ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira nabad gelyadooda ee dadka iyo hantidoodaba illaalinteeda u soo jeeda ee heeganka u ah.

Taliye ku xigeenka koobaad ee ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Afhayeenka ciidanka booliska oo wada jir shir jaraa’id u qabtay waxa kale oo ay ka hadleen sababaha ciidanka boolisku u soo xidheen Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo sifaha sharci ee loo maray xadhigiisa iyo arrimaha uu ku eedaysan yahay.

Taliye Fooxle oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horrayn farriin u diray bulshada Somaliand isaga oo xasuusiyay in xilliyada qaar aanay dhici jirin in hal askari oo ka tirsanaa taliskii dalkan laga xorreeyay ee Faqash in kor loo eego isaga oo taa bedelkeedana bulshada ku waaniyay in ay ka fogaadaan hadalada meel ka dhaca ku ah sharafta ciidanka booliska ee nabad gelyada dadkooda heeganka u ah in ay dhegaystaan dadka wax ka sheegaya oo uu tilmaamay in ay yihiin dad aan caqli badan lahayn. “Waxaan kula talinayaa dadweynaha reer Somaliland in aanay dhagaysan dadka caadaystay inay ciidanka Booliska wax ka sheegaan waar ciidanka boolisku waa hugaagii habeen iyo maalin gurigaaga ayuu hor taagan yahay oo waxa ay ilaalinayaan nabadgalyada,wakhtiyada qaarna waxay ahayd waynu garanaynaa oo labo alifle ayaan farta lagu fiiqi jirin in layska hadlo oo la yidhaahdo ciidanka Booliska ayaa caynkaa ah aad ayaanu uga xunnahay waxaanan u argnaa qof aan qiimo badan lahayn,” ayuu yidhi Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Somaliland

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo isna ka hadlay xadhiga Cabdiraxmaan Abees iyo arrimaha uu ku eedaysan yahay, ayaa yidhi “Ciidanka Boolisku waxay soo xidheen eedaysane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Abees waxaana lagu eedaynayaa in uu ku ka cay falal abaabul nabadgalyo darro, dacaayado iyo eedayn ciidanka Booliska iyo qaranka, wakhtigii walaalkii ku kacay falka budhcadnimada ahaa waxay ahayd muddo sannad iyo badh ka hor ah taas ayaa inoo caddaynaysa in uu dambigaa soo abaabulay isaga ayaana qiray in uu walaalkii ahaa budhcad magaalada dhacaya. Xadhigiisa waxa loo soo maray sifo sharciga waafaqsan eedaysanaha waxa haysa aqoon la’aan dhinaca sharciga ah waxaanu qirtay inuu is hortaag ku sameeyay ciidanka booliska oo gudanaya waajibaadkiisii shaqo.”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply