Guddoomiyaha Diiwaanka Sakada oo Ka Hadlay Qiimaha Wadaniyadda

0
813

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha hay’adda diiwaanka Sakada Dr. Sheekh Siciid Maxamed Faarax, ayaa qudbadii salaadda Jimce ee shalay kaga hadlay qodobo muhiim u ah jiritaanka umadda iyo dhismaha dalka.

Waxaa uu Dr. Sheekh Siciid aad ugu dheeraaday waxa ay tahay waddaniyadda iyo dal jacaylku iyo halka ay ka taagan tahay shareecada Islaamku.

Waxaanu iftiimiyay in ay waajib tahay in qofku ku baraarugsanaado dal jacaylka iyo aaminaadda waddankiisa uu ALLE siiyay oo ah nimco RABBI oo in lagu mahad naqo ay tahay isla markaana loo baahan yahay in wada jir iyo isku duubni lagu wada illaashado.

Waxa kale oo uu ummadda ku baraarujiyay in loo baahan yahay in qof kastaaba dhankiisa ka illaaliyo caddaaladda oo uu ka fogaado in uu walaalkii dulmiyo ama xumaan u geysto.

Waxaanu ku dardaaray madaxda qaranka oo uu garsoorku ugu horreeyo in la illaaliyo caddaaladda isla markaana dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka lana xasuusnaado in aan nolosha lagu waarayn oo qabri iyo qiyaame dambeeyo iyo la kulanka ALLE, taas oo sida keliya ee lagu badbaadi karaana ay tahay ku dhaqanka wixii ALLE iyo Rasuulkeenna (scw) Suubban ay jideeyeen oo ah diinteena Islaamka.

Sheekh Siciid oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Waxaynu hore uga hadalnay Waddanka iyo waddaniyada waxa loo yaqaano oo aanay ka hadal culimadu waxa ugu qaalisan ee ALLE inna siiyay waa diintiisa arinta ku xigtaana waa wadanka uu ku nool yahay qofku,waana muhiim in uu qofku ogaado qiimaha uu wadanku leeyahay waxaana ugu horreeya in qofku jeclaado dalkiisa oo ka horraysiinayo maslaxadiisa u gaarka ah Nabiga SCW markii laga caydhiyay Maka markii uu marayay duleedka magaalada maka waxa uu yidhi .dhulkani waa dhulkii aan ugu jeclaa waligayna kamaan baxeen haddii aanay reer maka iga soo saarin ayuu nabigu SCW.waxaanay muujinaysaa jacaylka uu u hayay meeshii uu ku dhashay Nabigu SCW waxa uu sheegay in qofku marka uu dhamaysto socdaalkiisii ha dedejiyo safakiisii oo haku noqdo ehelkiisii,haddii aynu doonayno in aynu wadanka jeclaano oo wadanku inoo hagaago aynu doonayno waa in aynu caqiiqadada hagaajino jacaylka wadanka ayay ka mid tahay waxaana laysku dhaafay caqiidada iyo tawxiidka.”.

Sheekh Siciid oo qudbaddiisa sii wata ayaa yidhi “Haddii aynu doonayno in wadaniyadu xaq noqoto waa in shareecada Islaamka dalka lagu xukumo in yar oo maxkamadaha iyo guurka ah mooyaane haddii aynu doonayno in aynu badino jacaylka wadanka waa in aynu badino dacwada ILLAAHAY,oo khayrka masaajidada ka socda halla taageero oo hala xoojiyo gudida xumaan reebista iyo xumaan joojinta si wixii khalad ah ee dalka khatar ku ah uga qabtaan.waana in macaasida iyo dunuubta ay iska ilaaliyaan mujtamaca islaamka ahi oo wixii dhaqan xumo ah ama akhlaaq xumo ah in aynu iska qabano ama habeen ha noqoto ama maalin ha noqoto ama Huteel ha noqoto waana in loogu mahadceliyo inta ka shaqaysa ee xumaan joojinta ku hawlan,amniga ILLAAHAY inna siiyay waa in loogu mahadceliyo.waana hay’daha amniga ka shaqeeya waa in lala shaqeeyo umaddu waa in ay gacmaha is qabsato oo dan la wada yeesho ayaa muhiim ah umaddu waa in ay noqoto mid is waafaqsan oo gacmaha is haysata,haddii tafaraaruq yimaado midnimadeenii ayaa meel lagaga dhacayaa caddaaladda waa in la sugo maslxada caamka waa in laga shaqeeyo. Oo dadka ILLAAHAY wax innoogu dhiibay haddii aynaan wax qalad ah ku haynin oo aanay jamacii iyo jameecadii innoo diidayn oo aynaan ku haynin wax kufriya waa in aynu gacanta siino oo aynu la shaqayno oo ay ummaddu noqoto mid is waafaqsan,haddii tafaraaruq yimaaddo midnimadeena ayaa bur buraysa taasina umadnimadeena ayay duminaysaa markaa waa in aynu isku duubnaano.”

“Haddii waddaninimo xaq ah aynu doonayno waa in aynu dulmiga iska illaalino,maxkamaduhu in ay dulmiga iska illaaliyaan,garsooreyaashu in ay dulmiga iska illaaliyaan, xuquuqda cidda xaqa u leh in la siiyo caddaaladda in la sugo waa waxyaabaha ugu waawayn ee haddaynu doonayno waddaninimo in dadkaa laga helo weeyaan. Muwaadinnimada xaqa ahi maaha walaalayaal sawiro iyo boodhadh meelahaa lagu dhedhejiyo,ama salaanta calanka oo la isu taago,haddii aynu doonaydo muwaadinnimo sax ah waa in aynu shareecada ALLE ee islaamka isu taagno oo isku xukuno oo dalkeenna ALLE inna siiyay ku dhaqno shareecada Islaamka.laakiin haddii muranku bato oo marba shir la isugu yimaaddo oo hadana lagu kala koco oo filaafku bato arrimhaasi waa kuwa dadka kala fogeeya ee muranka dhaliya,markaa waxaa loo baahan yahay in qof waliba uu ogaado in nolosha adduunyo laga tegayo oo qabri iyo qiyaame inna sugayo waxa keliya ee lagu badbaadayaana ay tahay ku xidhnaanta ALLE iyo Rasuulkiisa (scw) iyo ku dhaqanta diinteenna suubban ee Islaamka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply