Golaha Guurtidda oo Guddi u Saaray Muddo Kordhinta Golaha Wakiiladda

0
846

Hargeysa (Dawan):- Golaha guurtida Somaliland oo uu u furmay kal-fadhi aan caadi ahayn, ayaa fadhigoodii shalay ku ansixiyay kal-fadhigooda aan caadiga ahayn iyo guddi loo saaray in ay soo naaqishaan muddo kordhin loo samaynayo golaha wakiilada Somaliland oo doorashadooda ay ku timi dib u dhac farsamo.

Kald-fadhigii aan caadiga aheyn ee shalay oo ay bishu aheyd 13/1/2019 ay yeesheen mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay ka soo xaadireen 65 xildhibaan, ujeedadiisuna aheyd muddo kordhinta muddo xileedka golaha wakiiladda Somaliland oo doorashadoodii dib u dhac uu ku yimi ayaa loo saarey guddi ka kooban 25 xubnood, oo kala ah 21 mudane iyo shirgudoonka oo uu wehelinayo xaghayaha guud ee golahaasi garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.

Waxay mudaneyaasha golaha guurtidu cod gacan taag ah ku ansixiyeen kal-fadhiga aan caadiga aheyn ee ay yeesheen mudaneyaasha golahaasi, waxaana u codeeyay 62-mudane, 2 mudane ayaa diiday gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaa ayaanu ku ansaxay.

Waxa kale oo ay mudanayaashu u codeeyeen oo ay ansixiyeen gudida loo saaray inay soo naaqishaan muddo kordhinta loo sameynayo golaha wakiilladda, markii dib u dhac farsamo uu ku yimi doorashooyinkii isku lammaanaa ee lagu waday inay bisha March ee sannadkan ka qabsoonto dalka Somaliland.

Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa mudaneyaasha golaha guurtida u akhriyay warqadii uga timi madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi .

Waxaana warbaahinta u akhriyay liiska gudida loo saaray inay soo naaqishaan muddo kordhinta loo sameynayo golaha wakiilladda, gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtida mudane Siciid Jaamac Cali (Siciid Timo) waxaanu yidhi “Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir, xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha Indho, xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac, xildhibaan Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, xildhibaan Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan, xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble xildhibaan Nuur Riyaale Kheyre, xidhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan Maxamud, xildhibaan Jirde Siciid Maxamed, xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase) xildhibaan Axmed Dirir Cali, xildhibaan Axmed Cabdi Shide, xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Siciid, xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, xildhibaan Cilmi Cabdillaahi Xasan, xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin Dheeg, xildhibaan Dayib Xasan Axmed, xildhibaan Ibraahim Sheekh Maxamuud Xirsi”

Ugu danbeyn waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in muddo saddex cisho ka dib ah inay warbixin buuxda ku soo celin doonaan golaha.

Warqada liiska xubnaha gudida loo saaray in ay soo naaqishaan muddo kordhinta loo samaynayo muddo xileedka golaha wakiiladda waxaa ku saxeexnaa guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply